Xukuumada Muuse Oo Eriday 11 Qof Oo Shaqaale Ah & Sababta.

0
Wednesday May 08, 2024 - 11:14:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Oo Eriday 11 Qof Oo Shaqaale Ah & Sababta.

    "waxa uu ka soo reebay nin Kenya ah iyo laba hablood oo Nadiifiso ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa uu ka soo reebay nin Kenya ah iyo laba hablood oo Nadiifiso ah"


Hargaysa (HWN) Xukuumada Somaliland ayaa eriday shaqaale dhan 11 Shaqaale oo ka shaqayn jiray shaybaadhka Shidaalka ee Berbera.


 shaybaadhka shidaalka ayaa lagu wareejiyay shirkad ajanabi ah, sida uu xaqiijiyay xoghaye Maxamed Sadiiq Dhame oo ka tirsan saraakiisha xisbiga Waddani, oo qoraalkan hoose oo uu baahiyay kaga hadlay arinkan. 



"Berbera waxa ka socda Boob iyo Dhaxal-wareejin ?

7 May 2024 Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera wuxuu ku wargeliyay Shaqaalaha Shaybaadhka Shidaalka in laga joojiyay Shaqadii, waxa uu ka soo reebay nin Kenya ah iyo laba hablood oo Nadiifiso ah, waxaana eris lagu wargeliyay 11 Muwaadin oo qaarkood Shaqaynayeen 9 sano, Shaybaadhka Shidaalka Berbera waxa la wareegaysa Shirkad Ajaanib ah oo la yidhaa INSPECTORATE, Shirkaddaa heshiiskeed lama geyn Golaha Wakiilada, waxaanu ka digaynaa Shaqaalah in lagu bedelo Ajaanib." ayuu xoghayuhu ku yidhi qoraalka uu baahiyay.


Warkan ayaa ku soo beegmaya xili Somaliland ay ka jirto shaqo la'aan haysa muwaadiniinta Somaliland.
Loading...
Loading...