Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Ciidanka.

0
Wednesday May 08, 2024 - 10:32:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Ciidanka.

    "xeerkaasi oo muhiimad weyn u leh badqabka iyo badbaadada Bulshada reer Somaliland."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"xeerkaasi oo muhiimad weyn u leh badqabka iyo badbaadada Bulshada reer Somaliland."
Hargeysa (HWN) Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay ansixiyey Xeerka Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka, xeerkaasi oo golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland u soo gudbiyay golaha Wakiillada.


Mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, kuna meel mariyay ansixinta Xeerka Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka, xeerkaasi oo muhiimad weyn u leh badqabka iyo badbaadada Bulshada reer Somaliland.



Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Faarax Mire Giirre ayaa ku dhawaaqay tirada mudaneyaasha u codeeyay xeerka ciidanka Dabdamiska iyo Samata-bixinta, waxaanu sheegay in 38 mudane ogolaadeen, 4 mudanena ay diideen, 5 mudanena ay ka aamuseen guddoomiyuhuna aanu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.


Gaba-gabadii guddoomiye Giire, waxa uu sheegay in xeerka dabdamiska ee golahoodu ansixiyeen ciidanka iyo Qarankaba mihiim u yahay.

 

Loading...
Loading...