Garashooy kuma waayo.

0
Wednesday May 08, 2024 - 10:26:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garashooy kuma waayo.

    Sababaha keena aad ayay u farabadan yihiin waxaana ka mida...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababaha keena aad ayay u farabadan yihiin waxaana ka mida...


Garwaaqsiga naftadu waa mashruucyada ugu waaweyn ee qofka aadahana ah lamahuraan u ah jiritaankiisa qofeed. Waa barbilawga waxqabkiisa shakhsiyeed iyo bulsheed ba. La'aantiisna qofku uuna garan karin hawsha uu waqtiga, nafta iyo maalka u hurayo dheefta ku jirta. Waa marxaladda haddii uu aadanaha waayo dareemo ama ku suntanaado sawracseeg (Identity crisis). 


Sido kale qofka waxa uu noqdaa mid aan garanayn oo aan dhuganayn noloshu meesha ay u socoto, waajibaadka iyo xuquuqda naftiisa, xidhiidhka isaga iyo adduunka ka dhaxeeya. Dhibaatooyinka adduunka ka dhacaya tafsiir u waaya.

Sababaha keena aad ayay u farabadan yihiin waxaana ka mida: Cadaadis dhanka bulshada ka yimaadda (Social pressure) sida cunsuriyayn iyo habdhaqan xun oo uu bulshada kala kulmo. Waxa kale oo uu ka iman karaa tijaabooyinka shakhsigu sameeyo (Personal experience). Tusaale ahaan: Mar walba oo uu hawl bilaabo wuu ku fashilmaa. Waxa kale oo uu ka iman karaa dhibaatooyinka adduunka ka dhacaya oo uu fahmiwaayo sababaha ay ugu dhacayaan iyo sababo kale oo dad—samee ah oo farabadan sida: Culture influence, development stage, family expectation iyo kuwo kale oo badan. Sidaas darteed sidee buu qofku u garan karaa shakhsiyadiisa iyo jiritaankiisa nafeed.

Dr Mustafa maxmuud AUN oo si qurux badan ugu lafaguray mawduucan cutub kamida kitaabkiisa "القراءن كائن حي " baan jeclaystay inaan idinla wadaago miidda uu inagu sooray buunigaasi. Bilawga hore waxa uu wax iska waydiinayaa waa maxay aadanuhu? Aadanuhu ma noole khayrside ah baa mise waa sharbadane? Mise wuu u dhaxeeyaa? Waxa uu tilmaamayaa waqtiga ay soo muuqato xaqiiqada nafta aadanuhu oo ah ilbiriqsiga doorashada uu helo, waana waqtiga qaangaadhku u bilawdo oo uu caqlina Eebe ugu deeqo. Bardhammaadka doorashaduna waa dhimashada iyo ka guuridda adduunka. Qofkana waxa lagu soo saarayaa waxqabadkii ugu danbeeyay. Sidaa darteed bay xeerdheerayaasha Alle–yaqaanku dhahaan "Qofku waa waxa uu ku dhinto" (العبرة بالخواتم ). Qofkana looma ciqaabo falkii uu ka tawbad keenay.

Aadanaha Eebe waxa uu siiyay garoon nololeed oo ballaadhan, garoonkaasi waxa uu leeyahay laba sallaan oo midna kor u baxa midna hoos u dhaadhaca. Qofku marka uu soo galo isaga ayaa dooranaya inuu naftiisa iyo ruuxdiisa kor u qaado iyo inuu hoos u dhaco. Shakhsiga ruuxdiisa kor u qaada wuu soconayaa ilaa uu gaadhayo darajada ugu sarraysa ee raaxada iyo nuurka nafta. Balse kii hoos u dhiga waxa uu marayaa saddex marxaladood heer uu gaadho meesha ugu danbaysa ee mugdiga. 

Maraxaladda kowaad waxa uu la mid noqonayaa xayawaanka dhinaca raacitaanka rabitaanka shahwadeed. Waxa hogaaminaysa shahwadiisa adduun oo kaliya. Marxaladda labaad waxa uu la mid noqonayaa manoolaha (الجماد) dhinaca qallaylka iyo qallafsanaanta qalbigiisa ku abuurmaya. Marxaladda saddexaad waxa uu la mid noqonayaa shaydaanka, dhinaca mugdiga iyo garqaadasho la'aanta.

Eebe weyne waxa uu ogaal dhammaystiran u leeyahay mustaqbalka qof walba. Balse ogaalkiisu ma aha ogaal addoonka doorasho la'aan ka dhigaya oo khasbaya ee waa ogaal koobis iyo ka warhayn wax walba oo dhacaya, dhici doona ama dhacay. Alle qof hanuun doonay uma diidin, qofna xumaan kuma khasbin.

 Maalinka aakhiro marka la gaadhana shakhsi walba kitaabkiisii baa loo dhiibayaa. Inta adduunka la joogay qof walba digniin dhammaystiran baa la siiyay oo fariinwadayaal, caqli iyo dareemayaal muuqda iyo kuwa qarsoonba waa loogu deeqay. 

Si uu u garto xaqa iyo baadilka, una kala saaro wanaagga iyo xumaanta.
Aadanuhu laba qeybood buu u qaybsami maalinkaas. Koox guulaysatay iyo kuwo guuldaraystay. Kuwa guulaystay waxa u bilaabmaya nolol kale oo qurxoon. Kuwa kale waxa ay u qaybsamayaan koox ku baroorata Eebow dib noo celi si aynu camal wanaagsan u soo samayno, iyo kuwo kale oo dood iyo muran la soo istaagi doona. 

Waxayna ku andacoonayaan inay xadgudub iyo dulmi tahay ciqaabta la ciqaabayo, sababto ah waxa ay dhahayaan "Adduunka muddo gaaban oo waqti xaddidan leh baan joognay ee sidee ku dhici kartaa ciqaab aan dhammaad lahayn" Yacnii nuxurka dooddoodu waa iskuma dhigmaan xumaantii waqtiga kooban aan soo samaynay iyo ciqaabtan aan dhammaadka lahayn ee abadiga ah.


Alle—sarreeye labadaas kooxood ba hal aayad buu ugu warceliyaya "وَلَوْ رُدُّواْ لَعَادُواْ لِمَا نُهُواْ عَنْهُ وَإِنَّهُمْ لَكَٰذِبُونَ " Danbiga loo ciqaabayo ma aha mid ku xidhan waqti iyo meel balse haddii xattaa dib loo celiyo halkii ay ugu joogtay uun bay ka sii wadi lahaayeen geedigoodii madaxadaygga iyo inkiridda xaqqa. Sidaa awgeed diidada aan xadka ahayn waxa abaalmarin looga dhigay ciqaaab aan xad lahayn.

Waxa kale oo jirta dood kale oo uu danbiiluhu marmarsiiyo iyo qiil ka raadin karo. Waxa uu ku doodi karaa bulshada, waqtiga casriga iyo duruufta waayaha ayaa danbiile iga dhigtay. Balse taasi waa dood jaban, sababto ah bulshada iyo waayuhu waxa ay abuuraan wax walba oo fudaydinaya dhicitaanka iyo jiritaanka danbiga xataa qaabka danbiga bulshada ayaa samaysa, balse ma abuurto danbiile oo qofku isaga ayaa xakamayn kara naftiisa. 

Waqtigii Nebi Aadan CS qofku haddii uu damco inuu sameeyo fal—danbiyeed dil ah tusaale; Waxa uu awoodi karayay dhagax iwm, waqtigii ka danbeeyay geed, ka dib isbadalkii nolosha waxa uu awooday seef, heer isbadalku gaadhay meesha ay maanta technologiyaddu marayso. Markaa bulshada iyo waayuhu waa fududeeye ee abuure ma aha.

Sido kale bulshadu ma baddali karto xaqiiqada nafta ku dahsoon. Tusaale ahaan qur'aanka Eebe waxa uu ku sheegay laba waalid oo wanaagsanaa balse wiilkoodu uu xumaan—fale ahaa. Sido kale ambiyada qaar caruurtooda iyo xasaskoodu ay lunsanaayeen. Xaqiiqada nafta waxa badali kara Eebe oo kaliya balse waa marka dalabka iyo rabitaanku dhinaca shakhsiga ka yimaaddo oo uu isbadal—raadis noqdo. Raadintu waa waddada nadiifinta iyo daahirinta ruuxda. Naftuna daahir ma noqoto ilaa sugnaansho cibaado laga helo maahine. Qofka marka uu anshaxa liita ka nadiifiyo naftiisa kuna qurxiyo anshaxa suuban ayuu haleelayaa sugnaanshaha cibaadada.


Intaas ka dib waxa laga rabaa qofka xaqiiqada raadinaya inuu naftiisa si joogto ah ugu xidho Eebe oo kaliya (التعلق) wixii ka soo hadhayna qalbigiisa ka saaro. Tilmaamaha wanaagsan ee magacyada Ilaahayna naftiisa ku qurxiyo (التخلق) sida: Naxariista, dhibrinta, dulqaadka, mahadnaqa Iqk. Ka dibna ku dadaalo gaadhitaanka darajada ugu sarraysa ee daahirinta nafta (التحقق). Sidaas buu ku garwaaqsan karaa naftiisa
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...