Ku Kori Maskaxdaada Jimicsiyadan Qabta koowaad

0
Tuesday May 07, 2024 - 09:09:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Kori Maskaxdaada Jimicsiyadan Qabta koowaad

    Maqaalkan, Waxaan Kuugu Sheegi Doonaa Jimicsiyo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaalkan, Waxaan Kuugu Sheegi Doonaa Jimicsiyo...




Maskaxdeenu, waa Sida Murqaheenna, Waxay Ku Kortaa Isticmaalka Badan iyo La Kulanka Caqabado CuSub.


Tani Waxay Ka Dhigan Tahay In Xitaa Haddi Maadada Maskaxdaadu Ay Tahay (Eed) Daciif Ah Oo Dheexdhexaad Ah, Wax Badan Ayaa Ku Haraya Si aad Ugu Hesho Beddel, Adigoo Isticmaalaya Jimicsi, Xeeladoo, iyo Falal Dhab Ah Oo iskaana aad u Qabsato ....



Maqaalkan, Waxaan Kuugu Sheegi Doonaa Jimicsiyo U Gaar Ah Muruqa Maskaxda Halki aad Ku Mashquuli Laheyd Dhisida Muruqyada Caloosha.


Si aad Kor guu Qaaddo Heerkaaga Maskaxeed, Garaadeed iyo qof ahaaneedba sameey talooyinka soo socda iyo jimicsiyadan inta aad awooddo:


Ha ka werwerin heerka garaadkaaga ... kaliya aamin in caqligu yahay hab-dhaqankaaga miyir-qabka ah oo aad si caqli- gal ah aad ugu Dhaqanto !!!


u fiirso waxa ay dadka nacasiinta ahi sameeyaan (oo iskuday inaad ogaato meesha ay ka khaldamaan iyo sababta ay u qaldamaan) dhanka kale kuwa caqliga badan daba gal, oo iskuday inaad wax ka barato..


Ogow nacasiintu khaladkoodii wey ku celceliyaan, laakiin dadka caqliga lihi laba jeer khaladkooda kuma soo noqnoqdaan (waa sida mu'minka, oo laba jeer god qura lagama qiniino).


Ku koob saaxiibtinimadaada (inti karaankaaga ah) dadka kartida leh iyo kuwa caqliga leh, maxaa yeelay tani waxay kaa dhigaysaa inaad si hoose u soo gurato khibrad maskaxeedkooda sareeya.


Akhriska iyo daawashada kanaalada cilmiga iyo dukumentiyada ka dhigo caado maalmeed, toddobaadle, amaugu yaraan bille ah.


Markaad wax akhrineyso ama aad eegeyso, ha u aqbalin sida ay yihiin, ee u fiirso, oo dhaliil, oo ka dhex raadi wax isdiiddan (tani waxay kobcin doontaa awooddaada wax dhaliilidda!!!).


Sameyso hiwaayad xiiso leh ama ciyaar maskaxeed kicinaysa maanka, sida shaxda, ciyaaraha turubka, iyo xujooyinka ereyada isdhaafka ah (hal xiraale).


U qoondee qayb ka mid ah wakhtigaaga internetka, si aad ula socoto baraha cilmiga oo aad u akhriso warbixinnada iyo xulashooyinka muhiimka ah.


95%% shan iyo sagaashan fikradahaaga waa kuwa dhaxal ah ama lasoo koobiyeeyay; Isku day inaad yarayso boqolleydan oo aad kordhiso boqolkiiba inta badan fikradahaaga gaarka anoo kuu madaxbannaan.


✍ fahad caamir al axmadi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...