Loolanka raga iyo Dumarka

0
Monday May 06, 2024 - 08:58:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loolanka raga iyo Dumarka

    Waa inoo qormadaan mida xigta iyo tu kale haduu rabi idmo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa inoo qormadaan mida xigta iyo tu kale haduu rabi idmo.

loolanka ama tartanka raga iyo dumarka wuxuu dunida ka bilowday gaar ahaan dawladaha reer galbeedka waqti hore madaama oo aysan ahayn dad muslim ah waxay isla meel dhigeen wax ay ugu yeeren xoriyada dumarka , ma aqaan waxa ay ku maamiyene.


xaqiiqatan haweenku mustawe iyo kaalin aad u wayn ayay bulshooyinka iyo guud ahaan dunida ku leeyihiinmana ahan wax la qarin karo lana dafiri karo.



alle ( sw)isaga ayaa aadamaha abuuray una qaybiyay labo jinsi oo ah rag iyo dumar mid walbana karaameeyay kaalin iyo martabo muhiim ahna u dhiibay xadna dhex dhigay kii ka talaaba ee xaga kale u talaabana uu nolosha ka dhacahayo.


dadyawga dunida qaar haweenka hoos ayay u dhigeen oo khalad wayn ayay taas ku galeen, halka qaarna ay buun buuniyeen booskodi iyo maqaamkodi wax aan ahayn ay la dooneen markas ayay ku dhacday "sagaaro tilaabadeedi ka tagtay tii nabigana gaari wayday"


Dunida reer galbeedku mudo ayay raga iyo dumarka is dhinac erinayeen wax fa,iido ah khasaare iyo shalayto maahe kuma hayaan.


waxyaabaha ay ka dhaxleen ee dhibaatoyinka ah ee an layska indho tiri karin dunida qaarna ayba ku faafiyeen waxa ka mida:


●Taranka: alle sw ayaa bani aadamka u khalqay inay sidan utarman balse markii ay qaabkii dabiiciga ahaa ee nolosho usacotay isku dayeen inay leexiyan ayaa waxa meesha ka baxay habkii taranka ee habonaa waxa bilowday in qoyska ugu badan ay dhalan hal ama labo cunug, qaarkoodna ayba diidaan inay wax dhalaan.


●50%: waxa dhacday in labada lamaane ee is qaba ay wax walba u qaybsadan si isla,eg taas oo meesha ka saartay masuuliyadii iyo maamulkii qoyska ileen labadii qof waa labo qof oo is garab socdee hawl kasta oo timaadana usiman, hadii uu ninku shaqeeyo 24 saac waxay doonaysa inay iyaduna 24 saac shaqayso, hadii uu xaas labaad guursado waxay doonaysa inay sidoo kale samayso❗


●isku dhexdaadashada raga iyo dumarka: markii aweenkii xadkodii laga talowshay oo quluwi lagu la kacay waxa abuurmay wax dunidii nuurkii ka qaaday oo ay ugu yeeren LGPT????


_Laspian: is guursiga dumarka

_Guy: is guursiga raga

_Bisexual: rag iyo dumarba mid guursankara.

_Transgender: in haweenayda nin loo badalo ninkana naag loo badalo .


●kufsiga oo batay: meelaha qaar waxay gaartay in haweenaydu ay xitaa dacwoon kari waydo markii la kufsado iyado kabaqaysa midka ay u dacwoonayso laftiisu inuu qashqashado.


xog ururin laga sameeyay America 75% dhalinyaradu waxay soo dhaweyen in la kufsado haweenka sababta markii la waydiiyayna waxay ku warceliyen sababto ah way qaawanyihiin.


● iyo boqolaal kale oo anan qormadan yar kusoo koobi karin.

intaa hadii aan uga gudubno doqonimooyinki ay ku kaceen caqabadihii ay kala kulmeen.


Mudooyinkii dambe waxa ku soo badanayay bulshadeena gaar ahaan dhalinyarada loolan udhaxeeya wiilasha iyo gabdhaha, waa wax aan la dhaadayn/loo fiirsanayn/la dareemayn balse samayntisa leh oo sii kordhaya.


inagu dad muslimiin ah ayaa nahay wax walbana loo kala cadeeyay balse arinkan waxa kenaya ayaan oran kara.


_dhalinyarada oo aan diinta aqoon badan ulahayn.

_dawlad la,aanta iyo burburka dalka iyo dadka.

_dhaqamad shisheeye oo si wayn inoo dhexgalay mudoyinki adambe

_internet ka oo an wax maamula lahayn sidii larabana loo isticmaalo qofkii doonana isticmaali karo.

ISLAMKA IYO HALKU DHIGAY HAWENKA


Waa inoo qormadaan mida xigta iyo tu kale haduu rabi idmo.


️Cabdullahi Saciid Salaad Caalamiin


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...