Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dooday Dagaalada Beelaha Dhexmara

0
Monday May 06, 2024 - 08:40:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dooday Dagaalada Beelaha Dhexmara

    "diirada ku saareen shaqaaqooyinkii ka dhacay Ceel Afweyn,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"diirada ku saareen shaqaaqooyinkii ka dhacay Ceel Afweyn,"
Hargeysa (HWN):-Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay horumarinta nabadgelyada xaalada guud ee dalka.


Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha guurtida Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa markii fadhigu uu furmay waxa uu mudaneyaasha ku wargeliyay inay isu diwaangeliyaan guda galka qodobka nabadgelyada iyo horumarinteeda, kaas oo sigaara guddida joogtada ee golahaasi ugu xuleen dhammeystirka shaqooyinkii ka dhacay gobolka Sanaag.



Mudaneyaasha golaha guurtida oo sitoosa ugudagalay dooda nabadgelyada iyo horumarinteeda, waxaaney diirada ku saareen shaqaaqooyinkii ka dhacay  Ceel Afweyn, Ceeryaan iyo Shidan ee gobolka Sanaag, waxaaney mudaneyaashu tallo ahaan u soojeediyeen in la fuliyo go’aanadii hore loogu heshiiyay, waxaaney wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ka dalbadeen inay dardargeliso meelmarinta iyo fulinta go’aanadii hore loo kala saxeexday.


Sidoo kale mudaneyaashu waxa ay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degaanka Xiis ee Waqooyiga magaalada Ceerigo ugu baaqeen in ay nabada qaataan, xildhibaanadu waxa ay soojeediyeen in guddi loo saaro arrinta labadaasi beelood, waxaaney hoosta ka xariiqeen in golaha iyo xukuumadda looga baahan in siwada jira ay isaga kaashadaan xaaladaha aanooyinku sababeen ee dalka ka jira.


Gaba-gabadii guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha guurtida Somaliland Mudane ayaa sheegay in xukuumaddu u xilsaaran tahay sugida amniga dalka, waxaanu guddida nabadgelyada faray inay ka soo tallo bixiyaan shaqaaqooyinkii dalka ka dhacay si goluhuna go’aan mideysan uga soo saaro.

Loading...
Loading...