Muxuu Yahay Warka Somaliland Ka Soo Saartay Maraakiibta Turkiga Ee Bada Somaliya Yimid?

0
Monday May 06, 2024 - 08:32:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Warka Somaliland Ka Soo Saartay Maraakiibta Turkiga Ee Bada Somaliya Yimid?

    "Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,"

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in ayna iman karin xeebaha Somaliland.



"Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro," ayuu yidhi wasiirka isaga oo aan waxka weydiinnay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.


Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo hirgelinta is-af-garadkii Badda Cas ee u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Itoobiya.


Is-af-garadkaan muranka badan dhaliyay ee ay bishii koowaad ee sanadkaan maalintiisii koobaad ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhigaayay in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Itoobiya halka dowladda dhexe ee Itoobiyana laga kireynayo saldhig ciidamo badeed oo ay ku yeelanayso gudaha Somaliland.


Heshiiskanayaa aad uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sababayna in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada wadan uu gabi ahaanba meesha ka baxo.


Sidoo kale Midowga Afrika ayaa kasoo horjeedsaday is-af-garadkaan dhacay, wadamo badan sida Maraykanka, Turkiga, Ururku Jaamacadda Carabta iyo kan Midowga Yurub ayaana soo saaray baaqyo ay ku sheegayaan ahmiyadda ay leedahay xurmeynta madax bannaanida iyo gobonimada dhuleed leedahay.


Saamaynta heshiiska ka dhalatay keliya kuma ekayn wadamada ka baxsan Somaliland ee qudha balse waxuu saamayn kale oo gudaha ku yeeshay xukuumada Hargeysa.


Waxaana is casilay Wasiirkii Gaashaandhiga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, isaga oo sheegay in is-afgaradkaan ay Somaliland la gashay Itoobiya ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskaan mid aan gabi ahaanba jirin lana aqbali karin, waxayna sheegtay in is-af-garadkani yahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah madaxbannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


BBC
Loading...
Loading...