Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Waddada Isku Xidha Hargeysa iyo Berbera

0
Sunday May 05, 2024 - 09:42:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Waddada Isku Xidha Hargeysa iyo Berbera

    "Ma jiro wax faah faahin oo Ciidanka Boolisku ay ka soo saareen shilkan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma jiro wax faah faahin oo Ciidanka Boolisku ay ka soo saareen shilkan"

Saddex qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo xalay ka dhacay jidka dheer ee isku xidha Hargeysa iyo Berbera.


Shilka Gaadhi ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa ka dhacay meel u dhaxaysa tuulooyinka Aw-barkhadle iyo Dhubato oo ku yaal waddada Hargeysa iyo Berbera u dhaxeysa .



Dadka ku dhintay ayaa ahaa laba haween ah iyo nin, halka saddexda ku dhaawacamay ay kala hayeen laba nin oo Darawalku ku jiro iyo qof dumar ah, kuwaas oo xaaladdooda lagula tacaalayaa cisbitaalka Guud ee Hargeysa.


Ma jiro wax faah faahin oo Ciidanka Boolisku ay ka soo saareen shilkan.

Shilalka Gaadiidka ayaa Somaliland ku soo badanayey muddooyinkii u u danbeeyay iyada oo warbixin ay Boolisku baahiyeen sannadkii hore ay ku sheegeen in shilalka ka dhacay deegaannada Somaliland ahaayeen 6530 shil, waxaana ku dhintay 198 qof, halka ay ku dhaawacmeen 4,890 qof.
Loading...
Loading...