Qabuuraha Iskuul Buluusiya Muqdisho Oo Maydadkii Laga Saaray & Sababta.

0
Saturday May 04, 2024 - 16:47:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabuuraha Iskuul Buluusiya Muqdisho Oo Maydadkii Laga Saaray & Sababta.

    "waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan "
Muqdisho (HWN) Waxaa maanta qabuuraha Iskuul Buluusiya ee kuyaalla magaalada Muqdisho laga soo saaray meydka majaajiliistihii caanka ahaa Cabdi Muriidi Ajakis iyo dad kale oo horey loogu aasay qabuurahaasi.


Ehelada Ajakis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu wargaliyay in qabuuraha dhulka uu kuyaallo ay dowladda iibsatay, waxaana dadka ehelkooda halkaasi ku aasnaayeen lagu wargaliyay in meydadka kala baxaan.


"Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale.Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin”.ayuu yiri wiil uu dhalay marxuum Ajakis.

Maanta ayaa la arkayay dad badan oo eheladooda kasoo saaraya qabuuraha Iskuul Buluusiya ay ku sugnaayeen in muddo ah, waxaana meydadka lasoo saaray loo qaadayay qabuurayaal  kale oo dib loogu aasayay.
Loading...
Loading...