Ciidamada Madaniga ah ee M.biixi sameeyay. (Naasir Haybe)

0
Saturday May 04, 2024 - 12:44:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Madaniga ah ee M.biixi sameeyay. (Naasir Haybe)

    Taariikhda hadaynu dib u jaleecno; Xukuumadii kacaank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda hadaynu dib u jaleecno; Xukuumadii kacaank


Somaliland: Baryahan dambe waxaad maqlaysaa waxa loogu yeedho CIIDANKA MADANIGA ah. Tolow cidankani ma ciidan beeleedkii oo la dawladeeyay baa. Beelaha Somaliland oo dhan ma yeelan doonaan ciidankaas madaniga ah, maxayse tahay qorshaha xukuumada Muse Bixi ay ka damacsan tahay abaabulkan inagu cusub.



Taariikhda hadaynu dib u jaleecno; Xukuumadii kacaanka ayaa 1977/78 waxay samaysay ciidan beeleedyo ay ugu talogashay beelaha dega xuduuda Ethiopia in ay ka qayb qaataan xoraynta dhulka Somaliyeed ee ay Ethiopia gumaysato. Waxay ahayd fikir ka dhashay belowgii dagaalkii 1977/78. Ciidan beeleedkaas waxa loogu yeedhi jiray Jabhado xornimo doon. Nasiib daro jabhadahaasi waxay noqdeen kuwa ka qayb qaatay burburkii dawladii dhexe ee Somaliya.

Taariikhdu waa muraayad oo waxbaa laga bartaa. Wixii xun inaadan dib ugu dhicin, wixii wanaagsana aad ku camalfashid.

Tolow maanta ciidamada madaniga ah ee Somaliland ma la mahdin doonaa mise waa la eedi doona? Waa su'aal u baahan in laga helo munaaqashafooda
Si bilaa turxaan leh .

Naasir Haybe
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...