Maanta oo bishu tahay 3 May,2024,waa sannad guuradii 22-aad ee geerida Aabihii Jamuriyadda Somaliland, Halyegii, marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,waa in loo aqoonsado maalin Qaran, Library & Museumna loo dhiso

0
Saturday May 04, 2024 - 11:30:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta oo bishu tahay 3 May,2024,waa sannad guuradii 22-aad ee geerida Aabihii Jamuriyadda Somaliland, Halyegii, marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,waa in loo aqoonsado maalin Qaran, Library & Museumna loo dhiso

    Aan u daa dago dulucuda qoraalka iyo halkay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aan u daa dago dulucuda qoraalka iyo halkay..


Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirt a ah ee reer Somal iland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba, idinku salaamaya salaanta islaamka ee qiimaha badan,asalaamu calaykum waraxmatu laaahi waba rakaatu. Waxaan Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu idi nka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana , cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda urteeda iyo dulmigana ka fogaada.



 

Aan u daa dago dulucuda qoraalka iyo halkay ay muhatay laabtaydu.Rabbi naxariistii Janno Fardaw sa ha ka waraabiye m arxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla,magaciisuna sharaf , qad arrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qad ariyo dhammaan mandaqadda Gees ka Afrika iyo guud ahaan caalamkaba.Marxuum Cigaal ,wuxuu ahaa madaxweyni hii ugu horreeyey ee Somaliland ,ee gacantiisa ku soo sexeexay xoriyaddii aynu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska,26 June 1960 kii.


 

1993 kii ,ayaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , mar labaad Madaxweyne ka noqday Somaliland ,waqtigaas oo Dalka iyo dadkuba ay ku sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatan a ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed, amnni darro , kala danbayn la'aan ,geyigana dhammantii ay ka muuqato burburkii,xasuuqii iyo dakharadii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba qaadkoodiiba inoo geysteen. Marxuum Cigaal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato,oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gacanta u hoorsan, ayuu ku guuleystay inuu shacabka boggoodii burcad isku mariyo,walaaleeyo ,hannaan dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo,seeskana u qotamiyo. Abtigay Cigaal, Geesi inaga baxoo , Guul dhashuu ahaa, iga dheh!!!.


 

Maanta oo bishu tahay 3 May, 2024, ahna sannad guuradii 22-aad, ee maalintii uu geeriyooday marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxaan soo jeedinayaa in loo aqoonsado maalin Qaran,Librar y & Museumna loo dhiso. Inkastoo aan taa riikhdiisa dahabigaa, dhaxalkii uu innoga tagay, waxtarkiisii iyo wax qabadkiisii ,midnaba aan tawaad, qalin , buug iyo we bsite toona , lagu soo koobi karin ,bal aan dhowr shay soo dul xaadiyo:


 

• Sameyntii Dastuurka Somaliland

• Sameyntii Calanka

• Sameyntii ciidanka Qaranka

• Hub ka dhigistii Beelaha

• Nabadayntii Beelaha

• Dib u dhiskii Dalka

• Sameyntii lacagta Somaliland

• Sameyntii Baasboorka Somaliland

• Sameyntii hannaanka Dawladnimo

• iyo kuwo kale oo badan


 

3 May,2002, oo ahayd maalintii marxuum Cigaal ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Pretoriya ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, gudcur dam yidhi ,murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay dhammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Walaw ay adag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu noqday ama uu ahaa dar eenka Somalilandersku meel ay maalintaas jooge enbba,bal waxaan isku dayi doonaa inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiqa ah, oo uu maalintaa tiriyey Cali Adan Cawaale , waxaan u yidhi :

 

*****

 

Sayed baad ahayd Mohamedow Mawle soo diraye

Siraad iyo aqoon baad ahayd saaqay dunidiiye

Somaliland baad jeclayd inay sarraysaaye

Teer iyo sitiinkii adaa taajka noo sidaye

Hanadkii sexeexaad ahayd saariddii karale

 

******************************************************************

 

Sama wadde haddii anad ahayn lama sod caasheene

Xamar kuma sinteen dawladnimo xaasil oo sugane

Somali baa kugu mudnayd inay sinnaataaye

Saddexdii maqnaa baad lahayd sawtka gaadhsiiye

Sir ma qabe waddaniyaad ahayd sajac heer Qarane

 

******************************************************************

 

Sidaa ugu listeen uma hambayn madaxdii reer Suud'e

Iyagaa waxaad sahamiseen suuqyada u galaye

Sunuut bay ku iibsheen waaxaad sahadinaeysaeene

Kala saare labadii shalay laysu soo daraye

waatay salaad hore galeen suuqyadii herere

Saf ballaadhan waatay rasaas shicib ku seexsheene

Taangiga siqaa wuxu dul maray sabi carruureede

Silicii dadkaagaa la baday saani loo aragye

 

******************************************************************

 

Sankaa ii mudnaa inan dagaal kaga sifeeyaaye

Waatii sutida loo qabteen sugay xalaashiiye

Sandulley ahayd inan ka koro Xamar dul saarkeede

Inkastooy saraakiil halgemay sahayatoon waayey

Soo noqotay Maandeeq markale geesiyaa sugaye

Halkii aan sinnaan iyo wadaag samo ka dhawraayey

Ayadoon saldhigin bay haddana sudhatay reer reere

 

******************************************************************


 

Solladaa markay naga gashee laysu socon waayey

Waatay simaamkii mar kale kuu sidkeen adiye

Waxad saawa saawiyo farsamo dhaban salaaxdaaba

Waataad sargooyada habboon saaftay nabarkiiye

kuma seegin tii loo ballamay sigib tirkeediiye

 

******************************************************************


 

Salka wadigaa maamul qaran seeska noo dhigaye

Nabad bay ku seexdaan dhammaan saaka shicibkiiye

Saxan saxo udgoon baad mar kale siisay Reer Lande

Sama wade cuddoon baa halkaa sax uga maarayne

 

******************************************************************

 

Sooyaalka taariikhdu wuu sugay halkaagiiye

Somali baad guud ahaan ugu sarreysaaye

Suugaanta kuma koobi karo sumada haagiiye


 

******************************************************************

 

Sool iyo Hargeysiyo Togdheer Booramiyo Saylac

Sanaag iyo Addis iyo Jijiga baddhabiyo saaxil

waxa saaka laga ooyayaa tan iyo Sayloone

 

******************************************************************


 

Nina saacaddii kama fakado seeftu guud timide

Sama wade Halyeyow jannadda saani ugu dheelmo

waxan kugu sagootiyey duciyo safar nabaaddiino

Safka nabiga Ebbuhu ku mari surinka loo raaco


 

******************************************************************

 

Qabrigana siraad nuurayiyo waasac kugu seexi

Seeraha Fardowsana Alluhu daar ha kaa siiyo

Malaa'iigtu soortii Jannada sooryo kugu boobe

Salaama Alla dee Mohamedow samirku waa doore

 

******************************************************************


Geeridu waa xaq,waana hubaal in naf walbba ay maalinteeda dha dhamin doonto mawdka,waxaase xaqiiqo ah, biyo kama dhibcaan ah, in shaqsigii Dalkiisa iyo dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal loo a ayo uga tagaa , in taariikhda ma guurtada ah lagu xardhi doono,magaciisun aaanu abid dhimanayn , lana xasuusan doono , loona duceyn doono mar walbba.


 

Waxaan soo jeedinayaa,in marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,Aabihii Jamhuuriyada Somaliland,lagu maamuuso,lagu qadariyo, laguna sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa faraha badan ee uu inooga tagay, ahna ta maanta Somaliland heerka a ku soo gaadhay , kuna naaloonayso,kuna dabaal degayso sannad walba.Maanta oo bishu tahay 3 May,2024, ahna sannad guuradii 22-aad , ee maalintii uu geeriyooday marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Qaran , Library & Museum na loo dhiso.

 

Waxaan ku soo af meerayaa qoraalkaygan kooban, Allahayaw adaa awood lehe ,waxaan kaa baryayaa inaad marxuumk a, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, danbi dhaaf u fidiso , qabriga u nuurto, iilka u waasiciso,neecaw udgooniyo,ku siiso nar uuro , janno Fardawsana ku abaal mariso, aamiin , aamiin, aamiin ..... إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ‎.

 

 

 

 

Eng. Qoraa: Mohamed Ali Muse (Farshaxan)

Senior Certified Network & Cyber Security Specialist

| CNA | CCNA | MCP | FCNSA | A+ |

3 May,2024

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...