Dawlada Waan Duminayaa,Haddaan Lay Dooranayn.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Doorashoyin Isdulsaaraniyo,Dagaal Mar La Wada Gala,
Dalkeenaan Qaadi Karine,Waa Inaynu Kala Dooranaayo,
Dib Miduun Loo Yara Dhigta,Damiir Ruux Lahi Ogsoonoo,
Danteenu U Muuqataaye,Dadkeenu Sida Ay Doonayaanun,
Doqomo Yaan Lala Tashane,Ku Raaca Dariiqa Toosan,
Dimuqraadi Inaynu Nahay,Dunidaynu U Sheeganaayo,
Haddana Waad Dabamartaan,Dulmigeenii Wuu Batayo,
Dadaale Shacbkii Dulmane,Dawlad Bay Weli Doonayan,
Danbaase U Run Sheegtayo,Waxa Daashaday Darxumo,
Derajo Xamar Dhaaftayo,Weliba Waa Ka Daran Tahiin,
Allaha Daayinaa Jiree,Ducaystoo Hana Quusanina.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!