Baaq Nabadeed Ururka Midnimada Dir Ka Soo Saaray Colaadda Degaanka Ceel-Afeyn Ee Gobolka Sanaag.

0
Friday July 12, 2019 - 10:28:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Nabadeed Ururka Midnimada Dir Ka Soo Saaray Colaadda Degaanka Ceel-Afeyn Ee Gobolka Sanaag.

    Ururka Midnimada Dir (UMD), oo ah urur ay ku mideysan yihiin Ugaasyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Midnimada Dir (UMD), oo ah urur ay ku mideysan yihiin Ugaasyo,

Salaadiin, Cuqaal, Siyaasiyiin, Aqoonyahan iyo waxgarad farabadan oo rag iyo dumarba leh, wuxu baaq nabadeed u dirayaa walaalaha wada dhashay ee sida sabab iyo ujeeddo la`aanta ah isugu dilaya degaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.



Waxan leennahay walaalayaal aakhiradiinna u baqa. Kan wax dilay iyo kan la dilayba cadaab bey muteysanayaan, adduunyadana midkiinna guul uu ku faano sheegan kari maayo. Isweydiiya maxaad ka gaadheysaan oo aan ahayn: carruur agoomowda, dumar agal qaada, islaamo hooyooyin iyo ayeeyooyin ah oo baroorta, waalid goblama, iyo qaar badan oo idinka mid ah oo naafooba. Mana kala guuri doontaan abidkiin! Waxaan foolxumo iyo gunnimo ahayn oo laga dhaxlayaa ma jiraan ee joojiya dagaalka!


Maanta gar la qaadi maayo ee waa in si shuruud la`aan ah xabadda loo joojiyaa oo la baajiyaa dhiig iyo dhagar sii socota. Ciddii qabsoomi weyda ee aanan degdeg hubka u dhigin, waa in si wadajir ah, xukuumad iyo shacbi, meel looga soo wada jeestaa. Waa in xabsiyada laga buuxiyaa qof walba oo lagu tuhmo in uu si uun haba yaraatee ugu lug leeyahay dhiirrigalinta, taageerada iyo kaqeybgalka dagaalka iyo colaaddan soo jiitantay muddada dheer.


Ma aha in milalka dusha laga dhayo, ee waa in gunta iyo xiddiddada loo dhaadhacaa.

Dawladdu yaanay sahashanin khatarta iyo cawaaqibta ka dhalaneysa dagaalkan. Waxan carrabka ku adkeynaynaa khatarta noo muuqata in ay ka iman karto dagaalkan oo ku fidi kara degaanno kale, khalkhalna galin kara guud ahaan nabadgalyada qaranka Somaliland.


Ugu dambeyntii ururkan UMD wuxu taageerayaa dadaalka iyo gurmadka hoggaanka beelweynta Dir ee uu horkacayo Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo dhammaan madaxdhaqameedka kale ee reer Somaliland.

Allah ayaa mahad leh.

11.07.2019


Guddoomiyaha Ururka MIDNIMADA Direed (UMD)

Ibraahim Cali Aadan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...