Dagaalka Muse Lala Galay, Dadka Wada Jirkisiyo

0
Friday July 12, 2019 - 10:24:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Muse Lala Galay, Dadka Wada Jirkisiyo

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.(ASCWRWB)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.(ASCWRWB)


SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-DAGAALKA MUSE LALA GALAY,DADKA WADA JIRKISIYO,

   DEGANAANSHAHEENIYO,WAXA LOO DAN LEEYAHAY,

   DUMINTA WEEYE NABADO,DIBADA IYO GUDAHABA,

   DABA INAY SUDHAANOOY,DUNIDU TAA DHEGAYSTAN.

 

2-DIFAAC WAXA KA DOOR ROON,WEERAR AAD DARUURTO,

    DUULAAN AAD QAADAAN,HADDAAN LAGUBA DEYNAYN,

    DOCODOCAYN COLAADEED,DADKOO LAYSKU DIRO IYO,

    BUDLAAN DABADA LAGA WADO,FADARAAL U SOO DIRO.

 

3-DERISNIMO LA DHAWRIYO,DULQAADKII WUXUU DHALAY,

    DUUL BAQAAYA INAD TAHAY,DUGSAN MAYNO CEEBTAA,

    DAKHARADAAN DHAYEYNIYO,LAYSKA DIIDAY NABADII,

    DOONTAA IYO NECBAATABA,DAGAAL LAMA HURAAYO.

 

4-DIYAAR WAXA U NOQOTAAN,DIRIRTA IYO COLAADAA,

    DABKA INAYDUN QAADAAN,WAXII DUMAYA YEELKIIS.

    DIIRIYAA MAR KALE KACAY,DURBAANKII COLAADIYO,

    DARAMALKII GARAACO,DAAWAN MAYNO FOOLXUMO.

 

5-ADDEERKII WIXII DILAY,QARANIMADI DUMMIYUU,

    WELI DABA SOCDAAYO,DIGNIINIYO,TALABA DIID,

    DOQONIIMO WAA BELO,DAWGAL WEEYE SHAYDAN,

    ALLE DOORI MOOYEE,GARATE DOODAN AAN QORAY.

                ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...