Ujeedada Kulan Dhexmaray Taliyaha Booliska Somaliland & Dhigiisa Itoobiya

0
Monday April 29, 2024 - 14:29:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Kulan Dhexmaray Taliyaha Booliska Somaliland & Dhigiisa Itoobiya

    "Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ku wehelinayeen Saraakiil ka tirsan ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ku wehelinayeen Saraakiil ka tirsan ..."



Hargeysa (HWN) Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo maalmihii ugu dambeeyay socdaal shaqo ku joogay Magaaladaa Addisababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa la kulmay Taliyaha ciidamada Booliska Itoobiya, sidoo kalena waxa uu booqasho ku tagay Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya,



Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federal Ethiopia Commissioner General Demelashe G/Mechiel ayaa waxa ay salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Ethiopia.


Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Itoobiya General Demelashe G/Mechiel ayaa waxa ay ka wadahadleen xoojinta iyo iskaashiga adkaynta dhinaca amniga ee labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya iyo tababarada labada Ciidan Boolis.


Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ku wehelinayeen Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.
Loading...
Loading...