War Dadkan Hadaanu ka dhimano Yaa Caqli u Noqon Doona

0
Friday July 12, 2019 - 10:21:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Dadkan Hadaanu ka dhimano Yaa Caqli u Noqon Doona

    Sheeko Gaaban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheeko Gaaban.

Ugu Horeyn waxaan salamayaa Shaba kada Hadhwanaagnews iyo shaqaalaheeda gude iyo dibadba. marka xigaa waxaan jecleystay in aan qoraal kooban oo ka turjumaya xaalka dalki marayo in aan ku cabiro sheeko dhaqmeed sooyaal ah. sida aad wada ogtihiin mantai n dalku ku jiro xalad is fahan waa u dhaxeyo xukumad iyo shacab. waxaa intaa dheer colaado soo noqnoqnayo oo lagu riiqmay. taa badalkeed, waxaa ayaan daro noqotay in aynu xalka mareynta dagaalka ceel afweyn aynu ilaa hada xukumad iyo shacaba aynu ka eegayno meel kale. balse taladeeni noqotay sheekadii orgiigi kiliga madaxa la galay.

 

Ceel Afweyne Colaadeedu waa Orgiigii kiliga madax la galay..

Bari baa waxaa meel tuulo ah ka dhacday arin la maareyn wayay. ariintaasoo ahayd, Orgi ayaa kili madax la galay, markaasay dadkii deeganka daganaa ku dawaqeen sidii looga saari lahaa kiliga orgiga. waxaa loo tagay odayaashii deeganka, midka mid ah ayaa yidhi ma intan yar ayaad la dawaqdeen. wuxuu ku taliyay odaygii tala qabeenka ahaa, in orgiga la bireeyo. deedna waa la bireeyay. hadan orgigi madaxiisii ayaa ku dhacay kiligii, hadana waxaa la yidhahdeen madaxii ayaa ku dhacay kiliga ee sidee ayaynu uga soo saarnaa. odaygii markaasu yidhi dee kiliga xagiisa danbe hala dalooliyo, odaygii oo la yaaban dadkii tuulada daganaa ayaa yidhi bal dadkan eega. hadanu dhimano yaa caqli idiin noqon lahaa.hada garo odaygu xalkii la rabay ma keenin.Saaxibayaal sheekada ceel afweyn taalaa waa iska orgigaa iyo odaygii ku taliyay in la qawraco orgiga. halkuu xal kale oo lagu samato bixiyo orgiga naftiisa iyo kiliga nabadqabkiisa ayuu taladaa guracan xal mooday. maxaa kaaga baxay sheekadan origa iyo xaalka maanta yaalo ceel afweyn...

 

Inadheer Garad

Adam Daud Ahmed

Burco Somaliland

 

Alle Ayaa Mahad Leh

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...