Waa Kuma Musuulka Muuse Biixi Keligii Xilka Uu Ka Qaaday Maanta?

0
Sunday April 28, 2024 - 14:52:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Musuulka Muuse Biixi Keligii Xilka Uu Ka Qaaday Maanta?

    Wareegto Madaxweyne 28.04.2024

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegto Madaxweyne 28.04.2024




Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne xilkii kaga qaaday Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna magacaabay masuul cusub.


Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cabdirashiid Cabdillaahi Handi;

Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Salal;

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Waxaan Go’aamiyey;

In Xuseen Iidle Barkhadle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland.


Loading...
Loading...