Maxaa Xalay Helay Wariye Raage Oomar Oo Si Toos Ah U Akhrinayey Warka Telefishinka?

0
Saturday April 27, 2024 - 15:33:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Xalay Helay Wariye Raage Oomar Oo Si Toos Ah U Akhrinayey Warka Telefishinka?

    "Waxaan dib u bilaabi doonaa muddo gaaban,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan dib u bilaabi doonaa muddo gaaban,"


War soo jeediyaha telefishinka ITV, Raage Oomaar ayaa l kulmay xaalad caafimaad isaga oo si toosa u tabinaya wararka telefishinka ITV sida uu sheegay telefishinka.



Raage, ayaa tabinayey warka tobanka fiidnimo ee xalay oo Jimce ahayd xilliga London, waxaana la arkayey muuqaalka isagoo u muuqda gariiraya oo ku dhibtoonaya in uu soo saaro ereyadiisa marka uu ka hadlayo qayb maalmaha fasaxa ah intii uu ku guda jiray akhrinta warka.


Daawadeyaasha ayaa si degdeg ah dareenkooda ugu soo bandhigay baraha bulshada iyagoo ayaa walaac ku abuurtay baraha bulshada.


Wariye Raage Oomaar oo hadda 56 sano jir ah , ayaa waxa uu yahay tafatiraha arrimaha caalamiga ee telefishinka ITV News, wuxuuna hore u ahaan jiray weriye oo ka tirsan BBC-da.


"Waan ka warqabnaa in daawadayaasha ay ka walaacsan yihiin xaalada Raage Omaar," afhayeenka ITV News ayaa sidaasi yiri.


"Raage waxa uu xanuunsaday markii uu jimcihii Tobanka habeenimo tabinayey wararka, waxaana uu hadda helayaa daryeel caafimaad, waxaana u mahadcelinaynaa qofkasta oo oo u rajeyey bogsiimo” ayuu intaas raaciyey.


Ma jiro faahfaahin intaas dhaafsiisan oo laga bixiyay xaaladda Raage iyo waxa ku dhacay intii uu socday war akhrintiisa.


Si kastaba ha ahaatee, ITV ayaa ka saartay barnaamijka dib u socodsiintiisa ITV+1, iyadoo fariinta taa beddelkeeda u sheegaysa daawadayaasha in ITV "uusan si ku meel gaar ah u awoodin inuu kuu keeno adeeggayaga +1".


"Waxaan dib u bilaabi doonaa muddo gaaban," ayaa lagu yiri.
Wariye Raage Omaar, oo ah saxafi asalkiisu Soomaali yahay, balse heysta dhalashada dalka Ingiriiska, waxa uu sidoo kale u soo shaqeeyey BBC-da, intii uu socday duullaankii Ciraaq iyo burburkii Baqdaad sanadkii 2003-dii


Wuxuu helay abaalmarino caalami ah oo ku mutaystay shaqadiisii, taa soo ay ku jirto Peabody Award oo uu ku mutaystay warbixintii uu BBC-da uga soo diray Suudaan iyo BAFTA oo uu BBC-da ka siiyay duullaankii Afgaanistaan oo uu ahaa weriyaha keliya ee TV-ga reer galbeedka ah ee ka soo warrama gudaha Daalibaan.


Intaas k adib waxaa uu ku biiray telefishinta Al Jazeera sanadkii 2006-2010, halkaas oo uu ku soo bandhigay taxane dokumenti ah oo habeen walba ah oo la yiraahdo Witness, isagoo sidoo kale ka shaqaynayey Bariga Dhexe.


Hadda waxa uu ITV News uga tebiyaa sheekooyinka waaweyn ee adduunka oo uu sidoo kale u soo bandhigaa barnaamijka arrimaha taagan ee ‘On Assignment.’ Sidoo kale waxa uu soo saaray warbixino qotodheer oo gaar ah oo ku saabsan UK iyo dibaddaba.


Raage, ayaa 2014-kii loo dallacsiiyay Tafatiraha Arrimaha Caalamiga ah ee ITV News.


BBC
Loading...
Loading...