Muxuu Yahay Dagaalka Khasaaraha Kala Duwan Ka Dhashay Ee G. Guurtida Somaliland Ka Hadleen?

0
Saturday April 27, 2024 - 12:57:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Dagaalka Khasaaraha Kala Duwan Ka Dhashay Ee G. Guurtida Somaliland Ka Hadleen?

    "waxaanu ugu baaqay dadka deegaankaasi inay xabada joojiyaan "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaanu ugu baaqay dadka deegaankaasi inay xabada joojiyaan "


Hargaysa (HWN) Kal-fadhigii 84aad ee golaha guurtida Somaliland ayaa saaka ka furma xarunta golahaasi,furitaanka kal-fadhigan ayaa waxaan shir-gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali.


Kalmada furitaanka kal-fadhiga 84-aad ee golaha guurtida ayaa waxa uu gudoomiye ku xigeenku kaga hadlay arrimaha qabsoomida doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Asxaabta Qaranka, oo uu sheegay in ay Komishanku cayimeen wakhtiga ay qabsoomayso, madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdina uu qalinka ku duugay, waxaanu  sheegay in ka gole ahaan ay soo dhawaynayaan arrintaasi.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka koowaad ee guurtida ayaa waxa uu hadalkiisa ku soo qaatay shiqaaqo ka dhacday deegaanka Xiis ee Waqooyiga gobolka Sanaag oo uu xusay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaanu ugu baaqay dadka deegaankaasi inay xabada joojiyaan nabadana qaataan.

Ugu danbayn godoomiyaha ku xigeenka guurtida Somaliland ayaa hadalkiisa ku soo af-meeray roobabka mudooyinkii u danbeeyay ka da’ayay dalka, waxaanu bulshada ugu digay khatarta daadadku ay gaysanayaan, sidoo kale waxa uu bulshada faray inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenada ah sida Laagaha, Dooxooyinka iyo meel kasta oo ay marayaan biyo quwad lihi.

Haladka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida ka dib waxa mudanayaasha lagu wargaliyay inay soo xaadiraan maalinta berri ah si loo sii amba qaado kal-fadhiga 84-aad ee golaha.
Loading...
Loading...