Dulmi-Diin {Miskiinbaa Misko lakoro leh!. }

0
Saturday April 27, 2024 - 10:04:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulmi-Diin {Miskiinbaa Misko lakoro leh!. }

    Waxa aad moodaa Jamhuuriyada barakaysan Dulmiga ka jira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aad moodaa Jamhuuriyada barakaysan Dulmiga ka jira



Waxa maalmahan danbe isasoo taraayey Dhawaaqa naflacaaridka ah ee kasoo yeedhaaya Dadka danyarta ah ee ku Ganacsata Suuq weynihii Waaheen ee shufbeelay.


 

iyada oo ay socoto Dib u dhiskii suuqa Waaheen oo dadka danyarta ah ee naawilaayey dhameystirka dhismaha suuqa Waaheen. Kaas oo ah suuqoodii ay mudada dheer ku ganacsanayeen.



 

Hadaba waxa la damcay in Ummadii danyarta ahayd la damco in suuqa lagala wareego, maxaa yeeley waxa la rabaa in dadka danyarta ah ee weli sii ag kulaalaya suuqii gubtay ee dhismuhu uu ka socdo si meesha looga saaro!, si bedelkooda loosoo dejiyo dad Maal-qabeen ah oo haysta kharashaad laga taabto!, sidaa awgeed noqonaaya kuwo meesha ka saaraaya dadkii ganacsatada ahaa ee weligood ilaa ka AB meesha kusoo Ganacsanayey ee Suuq weynaha Waaheen u ku ahaa Waaheen!, waana Dulmi iyo Kaarto Yuhuudeed dadkaa danyarta ah lala maaganyahay!.


 

Waxa aad moodaa Jamhuuriyada barakaysan Dulmiga ka jira in uu xadhkaha Goostay goob walba wax is daba marin ayaa u Dhaqan noqotay waxa aad moodaa in daacadnimadii doqoniimo noqotay oo wax isdaba marintii ragaadiyey geeska Afrika in ragi u soo xaydxayteen oo rabaan inay ka macaashaan masaakiinta qaadaa ma dhargaha ah ee dawladii damacday halkay garab siin lahayd in ay RRU geliso! Waana ayaan daro.


 

Waxa isna Buuq ka bilowday Suuq weynihii Gobonimo ee Hargeysa, Hadal iyo dhamaan shacabku wuxuu filaayey in suuqoodii Dib loo dhisay layidhaahdo kasoo kaca oo usoo guura suuqiina Waaheen ee cusub se isaga oo dhismihii uu weli socdo ka Ag guura waa dhako kale wax soconaaya maaha kuwa maal qabeenka sheegta ee lacagta faraqaayow wax aan la hawaysan baa jira suuqa Waaheen Ummad ayaa weligood ku ganacsanaayey weli ku ganacsanaaya oo ku ganacsan doona ee candhuuftiina Dib u liqa miskiinbaa misko la koro leh baad maqasheene walee oo aanan hortayada Cid lagu dulmiyahayn.

 

Dulmiga eegta

 

Doqoniimo weeye.

 

Khadar Hooyoley Fartaag

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...