Halabuurkii Gabayaagiyo,Wadaadadii Ka Haajiro,Hargeysa Laga Qaxoo,Hablahi Baan Badbadahayn.

0
Saturday April 27, 2024 - 08:45:37 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halabuurkii Gabayaagiyo,Wadaadadii Ka Haajiro,Hargeysa Laga Qaxoo,Hablahi Baan Badbadahayn.

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]



Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

Habaarkan Dalkii Ku Dhacy,Kulmiye Loogama Horayn,

Hogaankii Culimadeeniyo,Abwaano Imisa Hinqadayoo,



Ku Biiray Hororada Shabaab,Hablahaa Loo Baqanayaa,

Hoygoda Laga Dhigay Xabsiga,Inay Hawlyaran Tagaan,


Huqiyo Qaylada Daluuntay,Habaarka Shacabe Dhacaya,

Habeeniyo Maalin Joogeen,Haddana Hoos Loo Dayaynin,


Hogaankeenu Haleelayo,Horaan U Dhaqaaqi Waynayoo,

Horuu Soco Iyo Gadaal,Halkeenuun Baynu Taagnahay,


Haddaan Hawlu Isbedelin,Hagaag Loo Qaban Hogaanka,

Halganba Lagu Laaban Dheer,Hadhawtana Mooyideeda.

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...