Ciidanka Ilaalada Xeebaha Gobolka Sanaag oo Ku Guulaystay Daminta Shaqaaqo ka Dhacday Deegaanka

0
Thursday April 25, 2024 - 09:48:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Ilaalada Xeebaha Gobolka Sanaag oo Ku Guulaystay Daminta Shaqaaqo ka Dhacday Deegaanka

    Sarkaal u hadlay Ciidanka illaalada xeebaha gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal u hadlay Ciidanka illaalada xeebaha gobolka Sanaag



Ciidanka illaalada xeebaha gobolka Sanaag ayaa ku guulaystay daminta dagaal dhex maray laba beelood oo walaalo ah oo ku dagaalamay degmada Xiis.


 

Ciidanka Illaalada Xeebaha ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xasilinta deegaanadii ay ku dagaalamayeen beelahaasi oo ay amni ka dhigeen.



 

Ciidanka Illaalada Xeebaha gobolka Sanaag ayaa in muddo ah ku jiray sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisadaasi iyo shiqaaqadaa u dhaxaysa labada ardaa ee wada degan degmada Xiis ee gobolka Sanaag.


 

Sarkaal u hadlay Ciidanka illaalada xeebaha gobolka Sanaag ayaa ka warbixiyay hawlgalka ay ugu gurmadeen bulshada walaalaha ah ee ku dagaalamay deeganka Xiis, waxaanu xaqiijiyay in ay jiraan dhimasho hal qof ah iyo dhaawacyo kale.


 

Waxa uu sarkaalkaasi intaa ku daray inay gurmadka sameeyeen kaliya Ciidanka illaalada xeebaha Qaranka oo aanay jirin cid ku wehelinaysay.


 

Sidoo kale waxay ku guulaysteen inay kala dhex galaan labadaasi beelood oo ay hadda amni tahay degmada Xiis, isla markaana ay kala qaadeen ciidan beeleedkii halkaas ku sugnaa.


 

Ciidanka Illaalada Xeebaha ayaa hawlgalkaas la kaashaday odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ee is haya si amnigii loogu soo celiyo deegaanadaasi.


 

Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland kuma e’ka oo kaliya sugid amniga badaha Somaliland, balse marka loo baahdo waxa ay ka hawlgalaan berriga oo ay ka qayb qaataan xasilinta bulshada.

Loading...
Loading...