Saddex qof ayaa loo xiray dhimashada muhaajiriin ku dhimatay Kannaalka Ingriiska.

0
Thursday April 25, 2024 - 09:35:29 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex qof ayaa loo xiray dhimashada muhaajiriin ku dhimatay Kannaalka Ingriiska.

    Shan qof oo ay ku jirto gabar toddobo sano jir ah ayaa ku dhintay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan qof oo ay ku jirto gabar toddobo sano jir ah ayaa ku dhintay..



Saddex nin ayaa loo xiray dhimashada shan muhjairiin tahriibayaal ah oo Talaadadii ku dhintay Kannaalka Ingriiska, sida ay sheegtay hay’adda dambiyada qaranka ee UK ee NCA.


 

Raggan ayaa la sheegay in lagu eedeeyay in ay fududeyeen soo galootiga sharci darrada ah iyo in ay si sharci darro ah ku galeen dalka Ingiriiska.



 

Shan qof oo ay ku jirto gabar toddobo sano jir ah ayaa ku dhintay shil ay ku galeen doonida oo ka gudubyeysay Kannaalka.


 

Doontan ayaa waxaa la socday 112 ruux, xilliga uu shilkaas dhacayay.


 

Booliska ayaa u aqoonsaday laba nin oo u dhashay dalka Sudan , da’dooduna tahay 22 iyo 19 iyo muwaadin kale oo u dhashay Koonfurta Suudaan, oo 22 jir ah.


 

Bayaanka oo ay saraakiishu soo saareen Arbacadii, ayaa lagu sheegay in raggan lagu soo qabtay hawlgal ay habeenimadii Talaadada sameyeen ciidamada NCA iyo kuwa laanta socdaalka.

Loading...
Loading...