Nisa oo Dhallinyaro Reer Somaliland ah Jidhdil ugu Geystay Hotel Muqdisho ku yaalla.

0
Thursday April 25, 2024 - 09:29:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nisa oo Dhallinyaro Reer Somaliland ah Jidhdil ugu Geystay Hotel Muqdisho ku yaalla.

    Dhallimyarada Hotelka Muqdisho lagu jidh dilay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhallimyarada Hotelka Muqdisho lagu jidh dilay...




Ciidanka tirsan ha’yadda sirdoonka Soomaaliya ee NISA,ayaa jidh dil iyo garaacis u geystay dhallinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira oo ka soo jeeda Somaliland oo ka cabanayay dhallinyaro Nisa u xidhatay kiiska dilkii Aqoonyahan Cabdinaasir Dahable oo hore Nisa Xamar ugu dishay,isla markaana xabsiyada Nisa lagu jidh dilay.

 

Dhallimyarada Hotelka Muqdisho lagu jidh dilay ayaa doonayay in ay qabtaan kulan warbaahineed ay kaga soo hor jeedeen jidh dilka loo geystay dhalinyara Nisa qafaalatay ee ay dilka Aqoonyahan Cabdinaasir Dahable ay u xidheen.

 

Hay’adda nabad sugidda Soomaaliya oo fulinaysa amarka Madaxweynaha caalamku Xamar ku waariyeeyo ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay in ay ugaahdsadaan oo ay qafaashaan dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ka soo jeeda Somaliland.


Loading...
Loading...