Boqorkii Jacaylka Cilmi Ismaaciil Liibaan(Boodhari) Oo Taallo Looga Dhisay Goobtii Uu Moofada Roodhida Ku Haystay Ee Magaalada Berbera

0
Friday July 12, 2019 - 02:39:26 in News by
  • Visits: 5144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorkii Jacaylka Cilmi Ismaaciil Liibaan(Boodhari) Oo Taallo Looga Dhisay Goobtii Uu Moofada Roodhida Ku Haystay Ee Magaalada Berbera

    Boqorkii Jacaylka Cilmi Ismaaciil Liibaan(Boodhari) Oo Taallo Looga Dhisay Goobtii Uu Moofada Roodhida Ku Haystay Ee Magaalada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqorkii Jacaylka Cilmi Ismaaciil Liibaan(Boodhari) Oo Taallo Looga Dhisay Goobtii Uu Moofada Roodhida Ku Haystay Ee Magaalada Berbera


Maamulka dowladda hoose ee magaalada Berbera ayaa BBC-da u sheegay in gudaha magaalaada ay ka dhiseen taallo lagu xusayo, laguna xusuusanayo boqorkii jacaylka ee Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari). 



Jimcaale Cabdullaahi Jaamac oo ah agaasimaha waaxda qorsheynta dowladda hoose ee Berbera ayaa sheegay in taalada ay dhiseen ay tahay mid loo ekeysiiyay foornadii rootiga ama muufo, taas oo ahayd halkii uu shaqada ka bilaabay Boodhari sannadihii 1930-naadkii markii uu Berbera yimid.

Image may contain: outdoor

"Fikirka taalada waxay ku timid maadaamaa magaalada Berbera ahayd meeshii astaanta u ahayd, in magaalada laga helo marka qof dalxiis ah yimaado meel lagu xusuusan karo, waxaan isla garanay in aan u samayno taallo u gaar ah, oo magaciisa ku xardhanyahay, gabadhadiisii iyo astaamihiisii oo dhana ay ku xardhanyihiin" ayuu yiri Agaasime Jimcaale.


Sida ka muuqata sawirrada lala soo wadaagay BBC-da, waxaa weli socota dhismaha taallada, waxaana hadda la dhisay foornadii, iyada ay taallada haysato bed dhul ah oo gaaraya illaa 20 mitir, halkaas oo laga samayn doono beer ay lammaanayaasha ku haasaawi karaan.

Image may contain: outdoor

Jacaylkii Cilmi Boodhari oo ah wax ay ka sheekeeyaan jiilalka dadka Soomaalida ayaa bishii Maarso ee sannadkan soo galay saxaafadda kadib markii nin dhallinyaro ah uu xafladii Aqal Galkiisa ku dhigtay xeebta Bad Talaale oo ka mid ah meelaha astaanta u ah Boodhari.


Maamulka magaalada Berbera ayaa sidoo kale qorsheynaya in suugaantii iyo buugaagtii laga qorey jacaylkii Cilmi Boodhari ay dhigaan madxafka magaalada, waxaana buugaagtaasi ka mid ah wiil ay dhashay Hodan oo ahayd gabadhii uu jacaylkeeda u dhintay Boodhari, kaas oo lagu magacaabo Rashiid Maxamed Shabeel, buugaas oo ciwaankiisu yahay 'JACAYL WAA LOO DHINTAA'.


Waxaa la arki jirey in taallooyinka loo sameeyo dadkii halgamayaasha, hase yeeshee sida uu sheegayo Caydaruus Beershiya in qof wax jeclaaday taallo loo sameeyo in ay tahay arrin dhiirogalinaysa jiilka cusub "waxay direysaa fariin ah in ay lammaanaha is heli karaan, isna weyn karaan, jacaylkuna yahay wax jira" ayuu intaas raaciyay Caydaruus.

Loading...
Loading...