SSC-KHaatumo Oo Xidhay Haweenay Taageero Umuujisay Somaliland?

0
Tuesday April 23, 2024 - 18:32:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SSC-KHaatumo Oo Xidhay Haweenay Taageero Umuujisay Somaliland?

    "Booliiska Khaatumo State ayaana uga digay dhallinyarada ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Booliiska Khaatumo State ayaana uga digay dhallinyarada ..."


Hargaysa (HWN) Ciidamada booliiska qeybta gobolka Sool ee Khaatumo State ayaa xabsiga dhigay haweeney lagu eedeeyay in ay baraha bulshada taageero weyn ugu muujisay  Somaliland.

Booliiska Khaatumo ayaana xidhay Yaasmiin Maxamed oo ay ku eedeeyeen in ay taageertay Somaliland iyada oo joogta deegaannada Khaatumo, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in calanka Somaliland baraha bulshada kusoo bandhigtay.


War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Sool ayaa lagu sheegay in ay ku daba jiraan ayna soo qabanayaan dad kale ay ku eedeeyeen in ay caadeesteen in ay baraha bulshada ka taageeraan  Somaliland ay dagaalka kula jiraan.

Booliiska Khaatumo State ayaana uga digay dhallinyarada kunool deegaannada kgaatumo ka arrimiso in ay ku kacaan falal lagu taageerayo Somaliland, waxa ayna ugu goodiyeen ciddii lagu qabto in la xidhayo lana horgeyn doono maxkamad.

Xukuumada Somaliland ayaa sidaan oo kale deegaanadeeda uga mamnuucay in laga taageero  Khaatumo iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, iyagoona xadhig muteysanaya ciddii lagu qabtaa calanka Soomaaliya iyo kan khaatumo.
Loading...
Loading...