Muxuu Yahay Markabka Dagaal Ee Turkigu Udiray Muqdisho?

0
Tuesday April 23, 2024 - 13:33:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Markabka Dagaal Ee Turkigu Udiray Muqdisho?

    "Warbaahinta Dawladdu ma faahfaahin ujeedka ciidanka badda ee Turkiga "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warbaahinta Dawladdu ma faahfaahin ujeedka ciidanka badda ee Turkiga "


Sida ay baahisay warbaahinta Dawladda Federaalka, waxa lagu wadaa in Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho uu ku xidho Markab dagaal oo uu leeyahay dalka Turkiga.



Wadooyinka soo gala Dekadda magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, waxana lagu wadaa in markabka dushiisa ay tagaan madax ka tirsan Dawladda Federaalka.


Warbaahinta Dawladdu ma faahfaahin ujeedka ciidanka badda ee Turkiga ee maanta tagaya Muqdisho, waxaase jira heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo dhigayay in biyaha Soomaaliya ay Turkidu ilaaliyaan.


Heshiis kan ayaa yimid kaddib markii Dawladda Federaalku ka carootay heshiis kii is af garadka ahaa ee kowdii janaayo Addis Ababa ku dhexmaray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed iyo Madaxweynaha jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo dhigayay in Itoobiya laga siiyo saldhig iyo dekad badda.
Loading...
Loading...