Muxuu Yahay Hadalka KULMIYE Sheegay Ee Waddani Sida Adag Uga Jawaabay?

0
Tuesday April 23, 2024 - 09:07:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Hadalka KULMIYE Sheegay Ee Waddani Sida Adag Uga Jawaabay?

    "Xukumadda Kulmiye ee maanta jirtay waxaynu ku waynay ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukumadda Kulmiye ee maanta jirtay waxaynu ku waynay ..."



Hargaysa (HWN) Xoghayaha Amniga ee Xisbiga WADDANI Ibrahim Duale Boos ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye gaar ahaan Cabdicasiis Samaale.



Samaale oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Somaliland gashay xaalad adag, isagoo intaasi ku daray in xaaladaasi adag uu Kulmiye ka saari karo dalka haddii markale la doorto.


Xoghaye Boos oo hadalka Samaale ka jawaabaya ayaa yidhi

"Guddoomiye ku xigeenka kulmiye Samaale, marka uu leeyahay xaaladda adag ee dalku galay waxaa ka saari kara kulmiye miyuu ilaaway in uu Kulmiye yahay kan xaaladda adag dalka geliyay. miyuu gelin lahaa haddii uu ka saari karo?


Xukumadda Kulmiye ee maanta jirtay waxaynu ku waynay nafo badan iyo dhul qiyaas ahaan u dhigma boqolkiiba soddon oo hadda ka maqan gacanta Somaliland.


bal ha ila dhugtaan taageerayaasha Kulmiye iyo bulshada kale ee Somaliland ba hadal jeedintiisii maanta ee Samaale, hana ka fikiraan sida ay isu qabanayso dalka halkay dhigeen la arko baanu wanaag u horseedi karnaa!." Xoghayaha Amniga ee Xisbiga WADDANI Ibrahim Duale Boos
Loading...
Loading...