Daahir Riyaale Oo Ka Hadlay Dadka Reer Boorama Ee Xamar Doonaya

0
Saturday April 20, 2024 - 08:48:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daahir Riyaale Oo Ka Hadlay Dadka Reer Boorama Ee Xamar Doonaya

    "intii joogtay Boorama 1991-kii halkaynu ku sugnayn, Boorama maxay ahayd..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"intii joogtay Boorama 1991-kii halkaynu ku sugnayn, Boorama maxay ahayd..."


Boorama (HWN) Madaxwaynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo kulan isugu yeedhay bulshada reer Awdal si uu u siiyo wixii talo iyo tusaale ah ee uu u hayo, ayaa waxa uu aad uga hadlay qaar ka mid ah bulshada Awda loo ku baaqa in Xamar la tago, waxaanu soo jeediyay in aan la dhagaysan kuwa dibeda kaga dhawaaqa wax aan Awdal iyo dadkeeda u dan ahayn.



Daahir Rayaale Kaahin ayaa bulshada Awdal u hoga tusaaleeyay si waayeelnimo ah oo uu dib u xasuusiyay kaalintii ay reer Awdal kaga jireen markii Soomaliya la wada joogay oo uu sheegay inay ka heleen kaliya Dugsiga saree e Sheekh Cali Jawhar, oo isna uu sheegay in ay bulshadu si iskaa wax u qabso ah ay ku dhisteen, waxaanu ka waramay hadda iyo halka ay joogaan reer Awda lee dawladnimada Somaliland iyo dhinacyada kaabayaasha dhaqaaalaha sida Waxbarashada, Caafimaadka, oo uu xusay in tuulo kasta uu hadda ku yaalo Dugsi sare iyo dhamaan goobihii caafimaadkuba.


Madaxwaynihii sadexaad ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay in ay dawladda Soomaaliya ay iyaduba xaalkeedii ay maarayn kari laaday, waxaanu carabka ku dhuftay in hadda ay u muuqato inay sii kala socdaan oo aanay wada joogayn ba, sidoo kale Daahir Rayaale Kaahin ayaa qiray in Dawladda Soomaaliya ay hana kari wayday kaliya inay amni ka dhigto gobolka Banaadir waxaanu yidhi


"intii joogtay Boorama 1991-kii halkaynu ku sugnayn, Boorama maxay ahayd, 31kii sanno ee aynu Soomaaliya ka tirsanayn hal iskuul oo iska wax u qabso lagu dhisay ayaynu helnay maanta meel kasta iskuul ayaa ka dhisan, maantana magaalo kasta Dugsi sare iyo Dugsi dhexe ayaa ka dhisan.


Had iyo jeer dad baa dibedahaasi ka soo hadla inaga inoo dhashay oo yidhaahda Xaram baanu tagaynaa, Xamar bay wax yaalaan, Xamar waxba ma yaalaan, Xamar iyagiibaa sii kala socda, iyagiiba nabad ula magaaladoodii Banaadir, Xamarna hadaan reer Awdal nahay wax inoo yaalaa ma jirto, halkan ayuu ILLAAHAY ina dhigay, kuwa aynu ku wada nool nahay Bari iyo Galbeed inta inaga xigta ayaynu isku mustaqbal nahay.


Waxa lagama maarmaan ah in aynu garano in aynu wada noolaano, Boorama tuulo yar bay ahayd maantana waa Caasimadd, maxay ku timi Nabada weliba reer Awadal ay sameeyeen ee Somaliland inteeda kalena ay u sameeyeen.


Halkan dawladii aynu ka dhisnay ama Madaxwayne ayaynu ka nahay ama Madaxwayne ku xigeen, Xamarna waxa aynu ka noqonaa had iyo jeer wasiir caato ah oo aan macno lahayn, markaa labadaasi markaynu is barbar dhigno wax aynu haysano waa ina aynu ilaashanoā€¯.


Ugu danbayn Madaxwaynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa ugu baaqay bulshada iyo labeenka reer Awdal inay ku faro adaygaan dawladnimada Somaliland iyo ilaalinta nabadgelyadda lagu naaloonayo.
Loading...
Loading...