Taliyihii Ciidamada Milateriga Kenya Oo Shil Diyaaradeed ku Geeriyooday

0
Friday April 19, 2024 - 08:41:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Ciidamada Milateriga Kenya Oo Shil Diyaaradeed ku Geeriyooday

    "Dalkeena hooyo wuxuu maanta waayey mid ka mida taliyayaashii ugu wanaagsanaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dalkeena hooyo wuxuu maanta waayey mid ka mida taliyayaashii ugu wanaagsanaa"


Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in taliyihii ciidamada milateriga ee dalkaasi iyo sagaal qof oo kale inay ku dhinteen shil diyaaradeed oo dhacay Khamiistii.



Taliye, General Francis Ogolla ayaa geeriyooday ka dib markii ay burburtay diyaarad nooca sida qumaatiga u kaca ah, oo ay saarnaayeen 11 qof. Waxaana shilkaas diyaaradeed ka badbaaday laba qof oo haatan lagu dabiibayo cusbitaalada Kenya.


Diyaaraddan Helicopter-ka ah ayaa burburtay daqiiqado yar ka dib markii ay kacday, waxaana la arkayey dab iyo qiiq badan oo hadheeyey goobta shilku ka dhacay oo ku taalla agagaarka Rift Valley, sida ay baahisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.


Madaxweyne Ruto oo warbaahinta la hadlay ayaa dhacdadan ku tilmaamay inay tahay masiibo qaran.


"Dalkeena hooyo wuxuu maanta waayey mid ka mida taliyayaashii ugu wanaagsanaa" sidaas waxaa sheegay madaxweynaha.


VOA
Loading...
Loading...