WAR DEGDEG Ah: Fanaanada Ugbaad Aragsan Oo Hargaysa Lagu Xidhay.

0
Tuesday April 16, 2024 - 21:10:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEGDEG Ah: Fanaanada Ugbaad Aragsan Oo Hargaysa Lagu Xidhay.

    "Heesta ay dhawaan uqaaday xisbiga Waddani ayay erayadeeda kamid yihiin ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Heesta ay dhawaan uqaaday xisbiga Waddani ayay erayadeeda kamid yihiin ..."



Hargaysa (HWN) Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Fanaanada Ugbaad Aragsan sida ay  xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan 



Dhawaan ayay Fanaanadani duubtay Heeso kala duwan, waxaanay dadka qaar sheegayaan in xadhigeedu ka dambeeyay heeso ay qaaday oo xukuumadu dhibsatay.


Heesta ay dhawaan uqaaday xisbiga Waddani ayay erayadeeda kamid yihiin "Cirooy xilka qabo adaa uqalmee"


Sidoo kale dhawaan ayay fanaanadu ka soo noqotay Maamul Goboleedka Puntland, halkaasi oo ay heeso ka soo qaaday munaasibad uu qabsaday madaxwaynaha Puntland.


Ilaa hadda ma cada sababta keentay xadhiga fanaanadan, laamaha amaankuna kamay hadal sababta loo xidhay.
Loading...
Loading...