Muxuu Yahay Warka Uu Beeniyay Xisbiga Waddani Ee Kulmiye Ka Soo Yeedhay?

0
Tuesday April 16, 2024 - 14:16:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Warka Uu Beeniyay Xisbiga Waddani Ee Kulmiye Ka Soo Yeedhay?

    "Xisbiga Kulmiye waxa had iyo goor u caado ah inay sameeyaan ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xisbiga Kulmiye waxa had iyo goor u caado ah inay sameeyaan ..."


Hargaysa (HWN) Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Xisbiga WADDANI Abdirahman Ismail Hussein ayaa beeniyay inay jirto dalad dhalinyaro oo ka baxday xisbiga waddani isla markaana udiga rogotay Kulmiye, sida afhayeenku uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.



"Majirto dalad magaceedu yahay Sama-wade oo ka tirsanayd ama ka diiwaangashanayd Xisbiga WADDANI oo ku biirtay Xisbiga Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye waxa had iyo goor u caado ah inay sameeyaan magacyo iyo abaabul been ah, si ay uga nafisaan culayska cid iyo ciirsi la’aaneed ee haysta. 
Daladaha katirsan Xisbiga WADDANI waa kuwo leh diiwaan rasmi ah oo ay ku kaydsanyihiin macluumaadkoodu, mana aha wax laga been abuuran karo. Xisbi ahaan aad baan iskala hanwaynnahay inaanu isku maaweelino taageerayaal aan jirin iyo samaysiga magacyo dalado been ah. 

"Haddaad jamato geed adag
Oonad heyn wax kuu jara
Jebin mayso gacantuye
Haku daalin, jeedaal”  - Cabdi Qays - 

- Abdirahman Ismail Hussein. 
Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Xisbiga WADDANI.


Hadalkan Afhayeenka ayaa imanaya xili maanta masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ay soo dhaweeyeen dhalinyaro ay sheegeen in ay usoo diga rogteen Kulmiye.
Loading...
Loading...