Labadan Madaxweyne kala gobsan..W/Q Saleebaan Yuusuf Dhakhtar

0
Thursday July 11, 2019 - 17:09:56 in Articles by
  • Visits: 2510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labadan Madaxweyne kala gobsan..W/Q Saleebaan Yuusuf Dhakhtar

    Labadan Madaxweyne kala gobsan..W/Q Saleebaan Yuusuf Dhakhtar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadan Madaxweyne kala gobsan..W/Q Saleebaan Yuusuf Dhakhtar


Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, markii uu ka guuleystay, Siilaanyo 2003, wuxuu beesha Siilaanyo siiyay, afar wasiir oo mid ka mid ahi gaashaandhiga ahaa, markii danbena wuxuu ugu daray wasaarada arimaha dibada, wuxuu kaloo ka shaqeeyay in Saleebaan Maxamuud Aadan noqdo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, taasi waxay horseeday in beeshaasi iyadoo mucaarid ah, haddana ay arimaha nabadgelyada kala shaqayso madaxweyne Riyaale, xasuusta argagixisadii dhoqoshay beeshu ku qabatay iyo waliba arinkii Muuse Madoobe, maayarkii hore ee Burco ee intuu garoowe tagay hubka iyo lacagta la soo siiyay ee Burco la soo galay, waatii beeshaasi ku taageertay ee gacanta ku siisay dawladii Riyaale, in la qabto Muuse Madoobe.

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting


Halka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ninkii uu ka guuleystey oo ah Gudoomiye Cabdiraxman Ciro, beeshiisa aanu wax xil ah oo muhiima u magacaabin, wuxuu ka qadiyay oo fara madhan maanta ka taagan yihiin, afarta wasaaradood ee muhiimka ah (Arimaha dibada, arimaha gudaha, gaashaandhiga iyo maaliyada), labada taliye ciidan waxba kama siin, gudoomiyaha maxkamada sare ha sheegin, labada gudoomiye baarlamaana haddalkoodaba daa, midna beeshu waxba kuma laha.


Madaxweyne Muuse Biixi, beel dhan oo balaadhan markuu xil kasta oo muhiima ka qadiyay, sidee uga filayaa inay la shaqeeyaan?. Madaxweyne cadaalada ku soo dhowoow haddii aad run doonaysid ABTIYAASHAA sida aad ula dhaqmaysid gobanimada way ka fogtahay, ku darsoo hadda horena waxbaa lagaaga tirsanaayey.


Haddii aad maanta beel ku ciiraysid beeshaada ku ciir madaxweyne, sidaas ayaa xalku ku jiraa, oo dantaada iyo ta qarankuba ku jirtaaye. Ha noqon qaybiye wada qaata, ee noqo QAYBIYE QADA!


Waa walaalkaaSuleyman Yusufdhakhtaroo talo uu nasteex u arkay hawada kuu soo marinaaya.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...