Xisbiga Waddani Oo Taxay Dhibaatooyinka Booliska Somaliland Ku Hayaan Shacabka.
"Boolisku ma wada eedays-na mana wada xuma danbigana ma wada qabaan"
Hargaysa (HWN) Xoghayaha cadaalada xisbiga WADDANI Yonis Ahmed Yonis ayaa su'aal iska waydiiyay inay ciidamada Booliska Somaliland hayaan shaqadii loogu talagalay ee wanaagsanay iyo inay ka leexdeen, sida uu ku xusay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.
"Haddii aad aragto askari Boolis ah oo meherad boobaya, ama dumarka Moobil kala cararaya, ma hayo shaqo boolis ee waa shaqadii budh-cadda.
Shaqada boolisku waa ilaalinta sharciga ka hortaga, iyo ka daba-taga danbiyada, waa saxiibka dadwaynaha, waxa uu qaabilsan yahay nabad -galyada, waxa uu cadaw ku yahay oo ay tahay in uu gacan bir ah ku qabto cid kasta oo hagar-daamo iyo dhibaato ku haysa dan-yarta, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,
Haddii shaqada boolisku ay sidaa tahay waxa is waydiin u baahan booliska Somaliland ma hayaa wixii ay shaqadiisu ahayd ee uu dirayska u gashanaa jawaabtu waa maya sababtoo ah maalmihii u danbeeyay waxa aynu baraha bulshada ka daawanay askar boolis ah oo dirayskii ciidanka gashan oo dumar ama hablo Moobilo ay siteen xoog kaga qaaday oo kala cararay xaafadda haaf London askartaa lama soo qaban sharciga-na lama hor-keenin.
Sidoo kale waxa maanta magaalada Hargeysa ka dhacay oo baraha bulshada lagu faafiyay fal-danbiyeed kale oo muujinaya askar dirayskii ciidanka ku labisan oo meherad uu haystay wiil dhallin-yar ahi boobaya oo la garanayo oo dadkii aaga ka dhawaa lahaayeen hebeloow ka daa iyo ina hebeloow ka daa markii askarta booliska ahi ay boobka wadeen,
Hore waxa aynu u soo sheegnay shaqada fiican ee booliska loo sameeyey waxase muuqata shaqada ay hadda boolisku hayaan ay Liddi ku tahay shaqadaa aynu soo sheegnay, waxaana haboon in hoggaanka sare ee ciidanka booliska Somaliland oo uu ugu sarreeyo taliyaha ciidanka booliska S/Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) uu si deg-deg ah wax uga qabto askartii booliska ahayd ee ku kacay fal-danbiyeedka noocan ah oo dhaawac ku ah haybada sharafta iyo karaamada ciidanka booliska.
Sidoo kale, waa in la tayeeyo aqoonta booliska Somaliland lana baro waxa ay shaqadoodu tahay iyo in ay yihiin gacmaha sharciga ay hay'adaha fulintu u adeegsadaan wixii fulin ah wixii xadhig ahi-na uu yahay awooda maxkamada oo ay fulin karaan wixii amar maxkamadeed ah bal-se ay boolisku u madax -banaan yihiin cid kasta oo gacanta kula jirta fal-danbiyeed in ay qaban-karaan wakhtiga sharcigu u ogol-yahayna ku hor-geeyaan xeer-ilaalinta iyo maxkamada awooda u leh,
Boolisku ma wada eedays-na mana wada xuma danbigana ma wada qabaan, laakiin haddii wax laga qaban waayo waxa meesha soo gali karta eray suugaaneedkii ahaa baruur qudha ayaa baruuyo qudhmisa.
Sidaas darteed waxa aan mar kale u soo jeedin lahaa Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland S/Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) in askartii booliska ahayd ee falalkan geystay uu sharciga horkeeno, waxa kale oo xusid mudan in dambiyada ay geystaan askarta booliska ahi ee aynu ka daawanay baraha bulshada in ay ka badnaan karaan inta aan muuqaal laga hayn
Xoghayaha cadaalada xisbiga WADDANI Mudane Yonis Ahmed Yonis
hadalkan xoghaye Yoonis ayaa imanaya xili maanta askari baadhay haweenay lagu xukumay todobo sanno.
Loading...
Loading...