Reer Ceel-Afweyn Kala Celintoodii Ma Caare Weerar Bay Noqotay?
Dhanka kale waxa aan halka ka dhaleecaynayaa xukuumada Somaliland siiba ciddii bixisay amarka lagaga aloosay dirirta iyo dagaalka goobaha kale ee ka tirsan Gobalka Sanaag, markii ay Xukuumadu xalin kari weyday Colaada sokeeyaha ah ee soo noqnoqonaysa ee marka ay isku dhaceena kala dhex geli weydey ee mudo isku daawanaysay Walaalaha is dilaayey, ee halkii dirirtu ka aloosnayd aan Ciidankii ku jihayn si ay u kala dhex galaane ku hujuuntay muwaadinkii cadhooday ee caddaalad darada ka cabanaayey, waa arin laga xumaado iyada oo goob muwaadiniin walaalo ahi is dilayaan halkii laga nabadayn lahaa in goob kale muwaadiniin waliba ciidamadii qaranka ah laysku weeraro, Mar Labaad iyo Mar saddexaadba waanu canbaareyneynaa wixii ka danbeeyey arinkaa waa ficil fowdo iyo colaad baahsan lagaga aloosaayo Gobalka Sanaag iyo guud ahaan dalkaba, reer Somaliland wada Hadal, wada xaajood, nabad gelyo, caddaalad iyo is turxaan bixin ayey ku suntan tahay oo ku caano maaleen, se in hujuun iyo dirir layskula kacaa waa qaran dumis waa in ay Xukuumadu ka waantowdaa awood u adeegsiga muwaadiniinta wax tabanaaya horaa loo yidhi INA RAG WALAAL WUXUU KU DHAAMO MA JIRO, Haddaba Somaliland-na wax wada lahaansho waxay ku dhaantaa ma jirtee waa inay damisaa oo nabadeysaa dagaal goobtuu ka dhaco se inay goobkale ku dartaa waa qalad oo Colaada iyo dirirta faafisaa, Hadal iyo dhamaan Dalka xukuumada ayaa ka masuul ah ee waa inay nabad kusoo xayndaabto oo wixii wax tabanaayana nabad kula xaajootaa oo reer ceel-afweyn la nabadeeyaa, Caare weerarkana joojisaa oo nabad kusoo celisaa, inta muwaadiniin wax tabanaysana la turxaan saaraa.
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Somaliland
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





