Somaliland:-Masuul La Baxsaday Sodon Milyan+laamaha Amaanka Oo Baadi Doon Ugu Jira.

0
Monday March 11, 2019 - 18:55:41 in News by
  • Visits: 5636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Masuul La Baxsaday Sodon Milyan+laamaha Amaanka Oo Baadi Doon Ugu Jira.

    Somaliland:-Masuul La Baxsaday Sodon Milyan+laamaha Amaanka Oo Baadi Doon Ugu Jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:-Masuul La Baxsaday Sodon Milyan+laamaha Amaanka Oo Baadi Doon Ugu Jira.

Hargaysa(HWN)Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa Xaqiijiyay in Xisaabiyihii gobolku uu la Baxsaday Lacag Dhan Sodon Milyan Oo Ahayd Lacagtii shaqaalaha dawladda ee ka hawl galayay gobolka togdheer,waxaana Uu badhasaabku sheegay inaan ilaa hadda lahayn meel uu ku sugan yahay.


Badhasaabka Oo La Hadlay Saabtv Ayaa sheegay in laamaha amaanku ay ku gudo jiraan Raac-dadiisa isla markaasina meesha uu tagaba gacanta lagu soo dhigi doona madaama oo uu gacantiisa ku fushaday inuu dhaco lacagtii mushaharka shaqaalaha.



"Xisaabiyihii gobolka waxa noogu dambaysay maalintii Arbacadda oo uu soo qaaday lacagtii mushaharka shaqaalaha oo dhamayd laba bilood khamiistiina waa la waayay ilaa maantana meel uu jaan iyo cidhib dhigay ma-ogin meel aanu ku sheegi karno majirto laamaha amaankuna baadhis ayay wadaan,waxaan halkan ka sheegayaa inuu la baxsaday lacag dhan sodon milyan oo ay lahaayeen shaqaalaha masaakiinta ah ee gobolka,waxaana anaga naga go’an inaanu baadi doono meelkasta oo uu qabtayba.


Intaas waxa uu ku daray guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo hadalkiisa siiwata.”Markaan imi xafiiska ayaa ka wareejiyay lacagta cuqaasha oo waxa lay xaqiijiyay tiraba afar jeer in ay ku baxday lacagta cuqaashii gobolku laga soo bilaabo badhasaabadii u kala dambeeyay maamulka gobolka,markaas ninkaas lacagta la baxsaday meesha uu qabtayba waa layska heli doonaa.


HadhwanaagNews/Office


Hargaysa/Somaliland

[email protected]


Loading...
Loading...