Kenya Oo Dib Uga fiirsaneysa Heshiis Ay Horay Ula Gashay Itoobiya

0
Monday April 15, 2024 - 10:26:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Dib Uga fiirsaneysa Heshiis Ay Horay Ula Gashay Itoobiya

    "Itoobiya waxay ku guuldarreysatay in ay dhiggeeda Kenya ka shaafiso "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Itoobiya waxay ku guuldarreysatay in ay dhiggeeda Kenya ka shaafiso "


Kenya ayaa huri weydey in ay dib uga gorgortanto heshiis dhinaca tamarta ah oo ay horay ula gashy Itoobiya, ka dib markii Addis Ababa ku guularreysatay in ay buuxiso sharuudihii lagu heshiiyey.



Heshiiskan oo labada dal dhex maray bishii Juulay 2022 ayaa dhigayey in Itoobiya ay Kenya ka iibiso koronto muddo 25 sano ah. Laakiin  waxaa soo wajahay caqabado u saamixi waayey soo saarista tamar ku filan in ay koronto dibedda u dhoofiso.


Hay’adda Kenya qaabilsan tamarta iyo shidaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo EPRA ayaa walaac ka muujisey qalalaasaha dhanka tamarta ee ka jira Itoobiya, kaas oo ay sheegtay in uu Nairobi ku hayo hubanti la’aan kallifeysa in ay dib ugu laabato miiska wadahadalka, si gorgortan cusub uga gasho.


Sida uu Wargeyska The EastAfrican ee ka soo baxay Kenya u sheegay madaxa Hay’adda EPRA Daniel Kiptoo, Itoobiya waxay ku guuldarreysatay in ay dhiggeeda Kenya ka shaafiso sababta ugu wacan gaabiska ku yimid fulinta heshiiska ay wada galeen, taas oo Kenya ku ah halis aan la dhayalsan karin.


Mr. Kiptoo ayaa intaas ku daray in wallow aysan Itoobiya weli si rasmi ah gacanta uga taagin hirgelinta heshiiska ay tamarta korontada uga iibin lahayd Kenya, haddana aan la dhayalsan karin halista ku gedaaman heshiiskan.


Itoobiya waa mid ka mid ah labo dal oo Kenya koronto uga timaado, waxaana labeeya Uganda.


BBC
Loading...
Loading...