Ukraine Oo Wajihi Karta Guul Darro Dagaal Sanadkan 2024

0
Sunday April 14, 2024 - 09:20:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ukraine Oo Wajihi Karta Guul Darro Dagaal Sanadkan 2024

    "sababtoo ah Ukraine waxaa laga yaabaa inay dareento in aysan guuleysan karin".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"sababtoo ah Ukraine waxaa laga yaabaa inay dareento in aysan guuleysan karin".


Taliyihii hore ee taliska ciidamada isku dhafka ah ee UK ayaa ka digay in Ukraine ay wajaheyso guul darro dhanka Ruushka ah sanadka 2024-ka.


General Sir Richard Barrons ayaa BBC-da u sheegay in ay jirto "khatar weyn" oo ah in Ukraine looga adkaado dagaalka sanadkan" Wuxuu ku saleeyay "sababtoo ah Ukraine waxaa laga yaabaa inay dareento in aysan guuleysan karin".



"Oo marka ay halkaas gaarto, waa maxay sababta ay dadku u rabaan in ay dagaalamaan oo ay u dhintaan, kaliya si ay u difaacaan kuwa aan la difaaci karin?" Ukrain wali ma gaarin halkaas .


Laakiin ciidamadeedu rasaasta ayaa aad ayay ugu yar, ciidamada iyo difaaca cirkuna waa ay ku yaryihiin .


Weerarkii rogaal celiska ahaa ee sanadkii hore lagu dhawaaqay ayaa ku guuldareystay in Ruushka laga saaro dhulkii ay qabsadeen, waxaana hadda Moscow ay isku diyaarineysaa weerar xilliga xagaaga ah.


Haddaba sidee ayay taasi u ekaan doontaa maxayse yihiin ujeedooyinkeeda istaraatiijiyadeed?


"Qaabka weerarka Ruushka ee iman doona waa mid cad," ayuu yidhi Gen Barrons.


BBC
Loading...
Loading...