Xaalada Dadka Kelyaha Loo Sifeeyo Ee Ku Nool Somaliland Oo Laga Dayriyay & Sababta.

0
Saturday April 13, 2024 - 09:52:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Dadka Kelyaha Loo Sifeeyo Ee Ku Nool Somaliland Oo Laga Dayriyay & Sababta.

    "Cusbitaalka Boosaaso waxa laga soo daynsaday 6 Kartoon"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cusbitaalka Boosaaso waxa laga soo daynsaday 6 Kartoon"


Hargaysa (HWN) Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa  ka hadlay xaalad naxdin leh oo ka taagan goobaha dadka kelyuhu fadhiistaan loogu maydho Somaliland.



xoghayahay ayaa qoraalkan hoose ku sheegay in qaybtaasi uu ka go'anyahay qalab mihiima oo ah qalabkii dadka loogu shaqayn lahaa.


"Waxaanan Caawa ka seexan karin murugadeeda Bukaanka Kelyuhu fadhiyaan ee Cusbitaalada Dalka oo aan adeeg loo hayn, qof kastoo u geeriyooda Dayacaad waxa Alle weydiin doonaa cidda leh masuuliyaddaa, labadii bilood ee u danbeeyay waxa go’naa qalabka Kelliyo safeyaha macmalka ah (artificial kidney dialysis) Bukaanada Kelyuhu fadhiyaan waxay ku sugan yihiin Dayac weyn iyo khatar nololeed, iibka Qalabka loogu Shaqeeyo dadka Kelyuhu fadhiyaan waa arrin khatar ah (national security)  

8 April 2024 waxa Dalka Hindiya laga keenay 96 Xabbo oo ah (artificial kidney dialysis) oo loogu shaqayn karo 96 Bukaan oo berri ku eeg, Horraantii bishii saddexaad Cusbitaalka Boosaaso waxa laga soo daynsaday 6 Kartoon, Cusbitaal Hargeysa kuyaal oo gaar loo leeyahay  waxa isna laga soo deynsaday 10 Kartoon, Cusbitaalka Jigjiga waxa laga soo deynsaday 18 Kartoon, waa xaalad khatar ah, Cusbitaalka Hargaysa wuxuu wadaa naf-hur iyo dadaal iskii ah, khatartu waa in Shirkad gaar ah Mashruucani u xidhan yahay Tobaneeyo Sano.

Waxa iyana warwarkeeda leh in Dialysis catheter kits Suuqa ka maraayo $55  iyadoo uu kor usii kacaayo, Agabkan waxa keena hal meherad, Bukaanada waa ku culays waxaanay waajib ku tahay in laga soo iibiyo Boqollaalka kun ee doolar ee Miisaaniyadda ku jira oo aan Bukaanka la saarin culays, Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo cid kastoo ay qusayso waxaanu ugu baaqaynaa in aan la eegan Masiibadan sababi karta Geerida Bukaanada Kelyuhi fadhiyaam ee loogu safeeyo Cusbitaalada Hargaysa, Burco iyo Biorama.

W/Q Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme
Loading...
Loading...