Beelaayo Ka Hor Tag Ayay Leedahay Ka Daba Tag Ma Leh !

0
Thursday July 11, 2019 - 14:27:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beelaayo Ka Hor Tag Ayay Leedahay Ka Daba Tag Ma Leh !

    Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.
Ciidamadda  Milateriga Jamhuuriyadda Somaliland Waa Inay Noqdaan Ciidamo Ku Suntan Qaranimadda Somaliland Oo Beelaha Walaalaha Ah Ee Colaaduhu Dhexmareen U Noqdaan Dhex, Oo Aanay Culayska Saarin Beel Loo Soo Calaamadiyay, Ama Lagu Raali Gelinayo Beel Kale, Balse Nidaamka Ciidamadda Milaterigu Waa Inuu Noqdaa Inuu Shacabwaynaha Labadda Beelood Ee Colaadu Ku Dhexmartay Deegaamada Hoos Yimaada Degmadda Ceel Afwayn Uu La Saaxiibo, 



Kuna Yeesho Odayaal, Dhalinyaro Iyo Haween Kala Shaqeeya Haddii Loo Baahdo Hub Ka Dhigis Lagu Sameeyo Maleeshiyooyinka Labadda Beelood Goobaha Ama Deegaamada Ay Isku Urursadaan, Si Dhaqan Celin Loogu Sameeyo, Loona Sameeyo Tababar Adag Oo Milateri Lagana Dhigo Ciidamo Qaran, Balse Waxaa Caqli Xumo, Doqonimo Iyo Liidnimo Ah Maleeshiyooyin Beeloodyo Hubaysan Oo U Baahan Markay Dhaq Dhaqaaq Colaadeed Wadaan Intaan Dhiig Daadan In Ciidamadu Milateriga Ee Deegaamada Gobolka Sanaag Ku Sugan Iska Saaraan Masuuliyad Qaran Oo Lagu Baajinayo Dhimasho Iyo Dhaawac Ay Kala Gaystaan Maleeshiyooyinka Labadda Beelood Ee Baho Faarax Biciide Iyo Sacad Yoonis, Waxaan  Caqliga Gelayn Ciidamo Milateriya Oo Gobolka Sanaag Degan Iyo Badhasaabka Sanaag Oo Noqday Daawadayaal Kala Taageersan Maleeshiyooyinka Labadda Beelood!!!!!!!!!!!!, Belaayo Ka Hor Tag Ayay Leedahay Ka Daba Tag Ma Leh, Nidaam Xukuumadeed Iyo Nidaam Ciidan Maaha Markay Labadda Beelood Birta Iska Aslaan, Oo Dhimashadda Iyo Dhaawacu Bato, Oo Culimaaudiinka, 


Madaxdhaqameedka Iyo Shacabwaynuhu Qayliyaan Inay Xukuumaddu Baraarugto Oo Goor Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhacay Madaxwayne Muuse Biixi Isugu Yeedho Taliyaha Milateriga Iyo Saraakiisha Milateriga Oo La Yidhaahdo Waa In La Kala Dhexgalo Labadda Maleeshiyo Beeleed, Oo Gacan Bir Lagu Dhigo Qofkasta Oo Qori Sita!!!!!!!!, Waa Arrin La Yaab leh Oo Aan Ka Daadegayn Shacabwaynaha Somaliland!!!!!!!!!!!!!!!.


Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Ah Saaxiib Aanu Aad Isugu Dhownahay Waxaan Talo Ugu Soo Jeedinayaa In Laga Soo Bedelo Kuwa Ku Saaqiday Gobolka Sanaag Haddii Ay Noqoto Badhasaab Tiimbaro, Ciidamadda Milateriga Iyo Booliska, Oo Gobolka Sanaag La Geeyo Badhasaab Ka Soo Jeeda Beesha Samaroon, Taliyaha Milaterigana Laga Dhigo Beesha Dhulbahante, Ciidamadda Milateriga Iyo Booliskana Laga Dhigo Ciidamo Deegaan Ahaan Aan Ka Soo Jeedin Gobolka Sanaag
Insha Allaah.
Wabillaahi Towfiiq.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...