War Deg Deg Ah:-Zidane Oo Mar Kale Loo Magacaabay Tababaraha Real Iyo Rajadii Mourinho Oo Gudhay

0
Monday March 11, 2019 - 18:32:36 in News by
  • Visits: 2002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Zidane Oo Mar Kale Loo Magacaabay Tababaraha Real Iyo Rajadii Mourinho Oo Gudhay

    Rajadii Mourinho Oo Meesha Ka Baxday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rajadii Mourinho Oo Meesha Ka Baxday

 

 

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa go’aansaday inay hogaaminta naadiga dib ugu magacaabaan Zinedine Zidane oo sagaal bilood ka hor iska casilay maamulida kooxdaasi.




Tababare Zidane ayaa kooxda Real iskaga tagay ka dib markii uu ku qanci waayey qorshihii loogu diyaar garoobayey xili ciyaareedka cusub balse waxa uu haatan sameeyey go’aan la yaab leh oo uu dib ugu noqday kooxdaasi.


Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez oo ay wehelinayaan agaasimeyaasha kooxdaasi ayaa qorsheeyey inuu kulan deg deg ah la qaato Zidane si ay u falanqeeyaan magacaabida marlabaad loogu dhiibayo kooxda Real Madrid oo xili ciyaareedkan maraysa tababarihii sadexaad.



Sida ay baahisay Dailly Mail warbaahinta dalka Spain ayaa ku soo waramaysa in Zidane uu la wareegayo maamulida kooxda isla markaana uu maalinta salaasada ah bixin doono tababarkiisa ugu horeeya.



Sidoo kale warbaahinta ayaa ku waramaysa in madaxweynaha kooxda Real Madrid Perez uu sameeyey magacaabis aan la shaacin oo uu ku doorbiday in Jose Mourinho uu noqdo tababaraha kooxda Real Madrid.


Waxa hada muuqata inay guud ahaanba meesha ka baxday rajadii uu maamulida kooxda Real Madrid ka qabay tababarihii hore ee kooxaha Man United iyo Chelsea ee Jose Mourinho kaas oo mar hore-na soo hogaamiyey kooxda boqortooyada.

Loading...
Loading...