Hadii ad tahay wiil ama gabar kayar 25 sano noloshana hadaf iyo hididiilo wanaagsan ka leh qoraalkan waa kaagii.

0
Sunday April 07, 2024 - 11:58:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadii ad tahay wiil ama gabar kayar 25 sano noloshana hadaf iyo hididiilo wanaagsan ka leh qoraalkan waa kaagii.

    {Nolosha dhalinyaranimada}

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

{Nolosha dhalinyaranimada}



waxaan dareensanahayadigaan qoraalkayga akhrinaya inaad tahay qof da,yar oo nolosha hami sare ka leh doonayana inuu wax un guul ah xaqiijiyo oo hadalfkiisa ka miro dhaliyo lehna riyo qurux badan inuu rumeeyana dadaal ugu jira.


wllkay/wlshyda curadanka ah ee nolosha u hilacaysow dhalinyaro nimadu waa waqti aad u muhiima waa waqti aad dib usoo jaleeci doontid adiga oo jeclaysanaya waa waqti aan xasuustaada ka go,idoonin waa xiliga aad noloshaada qaabayn kartid si taban iyo si toganba



waa waqtiga hadii uu ciyaar ciyaar kaaga lumo aadan dib dambe uga soo kaban karin aadna ka shalaayidontid intaad dunida guudsarantahay.


Hadaba akhristahan sharafta lahow iga qaado talooyinkan aan u arkay inay ku an facayan idam alle.


Gudo waajibadka alle sida salaada soonko iyo dhaman acmaasha khayrka ah waad kuu liibanaysa aduun iyo akhiraba arimahaagana ilaahy ayaa kuu fududayn dona.


waxba ha shukaansan adiga oo anay noloshaaduba guur diyaar u ahayn ka faa,iidi maysid wax aan ka ahayn waqti dhumis khasaare iyo dib udhac.


ugaara gabdhaha: gabarey raga u jirso intii uu alle amray inaad u jirsato,


_hadii aad nin saxiib moodo dareenkaga, qalbi furnaantada iyo quruxdaduba waxay noqonayaan mindilagu

isticmaalo si laguu gawraco,ilaa kuwo alle u naxariistay moyane.


ka dheerow daawashada aflaamta xun xun mukhaadaradka iyo wax walba oo la halmaala waxay dilayaan awoodaada jired iyo midaada maskaxeedba.


jooji iska dabo socodka shahwaadka nafta ama waxa naftu jeceshahay oo mar walba ka hormari waxa muhiimka ah.


dhiso oo ku dhaqan caadoyin wanaagsan haba yaraaden eh waxay qaabaynayan hab dhaqankaga dhanka wanaagsan ayayna kuu jiidayan.


ka dheerow waxa loo yaqaan amraadul qalbi ama cudurada qalbiga sida kibirka istustuka faanka bilaa micnaha ah iyo isla waynida noloshaada ayay dabar adan ka baxsan karin ku noqonayaane.


ugu yaraan ku bixi 30 daqiiqo maalinkii akhrinta , qorida iyo baarida waxa aad jeceshahay waxa kobcaya aqoontada si tartiib tartiib ah.


baro xirfado aad ka heli karto dakhli aad noloshaada ku maarayso.


baro sida dadka looga hor hadlo sida xogaha loo baaro loona gudbiyo waxay kaa sacidaysa gaarida hadafkaga kuna sahlaysaa.


waqtigaaga ilaali kana dheerow danaysta yaasha iyo saaxibada xun waa waxa dhalinyaro badan marin habaabiyay eh.


ugu yaran samee 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalinki si aad kor ugu qaado caafimaadkaga jired iyo maskaxedba


ugu dambayn waxan filaya inaad wax un ka fa,iiday waxan kuu rajaynaya hadaf iyo yool walba wanagsan oo ad leedahay inaad sida ugu quruxda badan u gaadhid.

W/Q Cabdullahi Saciid Salaad

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...