Qisadii Ninkii Ay La Dagaalameen Laba Walaallihii Ahaa.

0
Saturday April 06, 2024 - 12:40:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisadii Ninkii Ay La Dagaalameen Laba Walaallihii Ahaa.

    Qoraa Cali Coomay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraa Cali Coomay.


= Nin aanu da'diisa ku qiyaasnay 65 jir ayey habeen dhaweyd u gacan qaadeen laba nin oo ay walaallo yihiin. Labadan nin, odayga waxa ay  walaallo ka yihiin xagga Aabo. Labada nin da' ahaan waa dhawr iyo afartan jirro. Waanu kala qabanay, ninkii odayga ahaana wuxuu noo sheeg inay walaallo yihiin. Wuxuu nooga sheekeeyey waxa keenay dagaalka. Wuxuu yidhi" waa tii Hargaysa laga qaxay 1988, aniga iyo laba nin oo kale ayaa jiingado iyo dhar fadhataysanay ama xadnay. 


Harta Sheekha ayaanu ka iibinay oo lacag fiican ayaanu ka helnay. Aniga lacagtaydii in ka mid ah, Aabahay ayaan gabadh ugu dhisay. Aabahay waxa ay gabadhii u dhashay labadan wiil ee ila dagaalamaya, ka dibna Aabahay wuu dhintay. Labadan wiil mar kasta oo ay indhaha iga qaadaan gacanta ayey iila tagaan. Lacagtii xaaraanta ahayd ee aan Aabahay siiyey waa taasi dagaalka igu haysa." Bal adba.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...