Sakaatul-fidriga

0
Saturday April 06, 2024 - 11:47:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sakaatul-fidriga

    Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub


Sakaatul fidrigu waa qofka khaladaadkii ka dhacay intuu soomanaa oo laga nadiifinayo sida uu Rasuulku CSW sheegay, "Sakaatul fidrigu waa qofka oo khaladaadkii iyo macsidii ka dhacday lagaga nadiifinayo iyo masaakiinta oo la quudinayo, qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.”


Sakaatul fidriga la bixinnayaa waa cuntada waddankaa laga isticmaalo, adiga oo bariis cuna dadka qamadi siin maysid, ee waxaa aad cunto uun baad dadkana siinaysaa. Isku soo celcelis inta la bixinaya waa laba kilo iyo badh, oo raashin ah sida bariis ama cunto kaydsanta, see daqiiq iyo sonkor ku bixin maysid.

Xilliga la bixinayaa waa cadceedda u dambaysa maalinta Ramadaan marka ay dhacdo ee ay soo baxdo cadceedda maalinta ciiddu, "Qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.” 

Salaadda ciidda ka hor in aad bixiso ayaa la raba si qofkii maskiinka ahaa u helo, markaas bay noqonaysaa sako la aqbalay, hase ahaate haddaad bixiso salaadda ciidda ka dib waa sadaqo. Dood baa ka taagan ma loo aqbalaya sako, waxaanay u badan tahay in aan la aqbalayn haddaan cudur daar jirin, sida qofka oo ilaawa. Waxa kale oo bannaan labada cisho ee u dambeeya Ramadaanta in la iska sii bixin karo sakaatul fidriga.

Waxa sakaatul fidriga laga qaada qof kasta oo Muslim ah, qaangaadhnimo u shardi maaha, sida oo kale lab iyo dheddig waxa laga qaada wax isku mid ah, yar iyo waynna waa isku mid. 

Ilmaha yar ee dhasha maalinta ciidda lagama rabo sakaatul fidri, sida oo kale qofka dhinta maalinta u dambays Ramadaan isna laguma laha sakaatul fidri, balse waxa la doonayaa in qofku labadaba soo gaadhay Ramadaan iyo ciidda.


Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub
Tell: 063 440 85 03. 97 08 515
SheekhRakuub.wordpress.com
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...