Maxaa Xigi Kara Go'aankii Somaliya Ku Eriday Safiirka Itoobiya?

0
Saturday April 06, 2024 - 11:31:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Xigi Kara Go'aankii Somaliya Ku Eriday Safiirka Itoobiya?

    "faragelin qaawan oo dawladda Itoobiya ay ku hayso arrimaha gudaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"faragelin qaawan oo dawladda Itoobiya ay ku hayso arrimaha gudaha"


Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay go’aan diblomaasiyad ahaan saamaynaya xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, ka dib markii ay ku dhawaaqday inay xirtay qunsuliyado ay Itoobiya lahayd, safiirka Itoobiya – Mukhtaar Maxamed Waarena – ay fartay inuu 72 saac gudahood dalka kaga baxo.



Qunsuliyadaha ayaa la faray in 7 maalmood gudahood lagu xiro, ayadoo safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa-na dib loogu yeeray inuu Muqdisho ku soo laabto.


Talaabadan ayaa timid ka dib marki Itoobiya iyo wafdi ka socda Puntland ay ku kulmeen Addis Ababa, ayagoo ka wadahadlay "xiriirka u dhaxeeya labada dhinac”.


Puntland ayaa maalmo ka hor xiriirka u jartay dawladda federaalka ee Soomaaliya, ayadoo ka carootay ansixinta qodobadii wax laga beddelay ee dastuurka, waxayna sheegtay inay "si madax banaan” hawlaheeda u qabsan doonto, caalamkana sidaa aula macaamili doonto.


Intaa waxaa dheer in horraantii sannadkan ay dawladda federaalka ee Soomaaliya si adag uga hor timid heshiiskii is faham ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo keenay in xiriirka labada dal uu aad u xumaado, wuxuuna sii darsaday markii wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ay ku eedeeyeen Itoobiya inay ula macaamishay si aan haboonayn bishii Febraayo.

Sida lagu xusay qoraal ka soo baxay golaha wasiirrada, waxaa loo cuskaday xiritaanka qunsuliyadaha Garowe iyo Hargaysa "faragelin qaawan oo dawladda Itoobiya ay ku hayso arrimaha gudaha ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, taasoo xadgudub ku ah qarannimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.


Nidaamka aan qornayn ee diblomaasiyadda waxaa ka mid ah in haddii uu dal tallaabo qaado, midka kalenau talaabadaas oo kale qaado. Haddaba ma la filan karaa in Itoobiya ay dhankeeda talaabo diblomaasiyaded qaaddo. BBC ayaa arrintaas u bandhigtay danjire Xuseen Xaaji Axmed.


"Way dhici kartaa in Itoobiya ay talaabo qaaddo, laakin waxaad ogaataa in safaaradaha ay weli furan yihiin oo aan la amrin in la xiro. Arrintu waxay hadda ku eg tahay qunsuliyadaha. Itoobiya haddaysan rabin in xaaladda ay sii xumaato waa suurtogal in aysan talaabo qaadin, laakin waa wax la fili karo in ay go’aansato inay talaabo qaaddo, waase arrin la xakamayn karo” ayuu yiri.


Wuxuu intaa ku daray "Waddankii qunsuliyad furanaya, wasaaradda arrimaha dibadda ayuu fasax weydiistaa. Cidda fasaxa bixisa xaq ayey u leedahay inay la laabato fasaxa, waana wax sharci ah” ayuu sii raaciyey Danjire Xuseen Xaaji Axmed.


Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa meel ciriiryoon sii galinaysa wixii dadaal ah ee la isugu soo dhoweyn lahaa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayadoo dhawaan wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya uu sheegay in ay wadaan dadaallo la isugu soo dhoweynayo labada dhinac.

Maxamed Mukhtaar oo falanqeeya arrimaha gobolka wuxuu aaminsan yahay in xurguftan diblomaasiyadeed ay arrinta si fogaynayso. "Runtii ma caawinayso talaabo kasta oo la qaado oo sii kala fogaynaysa wadahadalladii la isku dayey, marka ay noqoto in Itoobiya ay soo fara geliso ayado leh ‘waxaan kala hadlayaa arrimo ganacsi, arrimo amni iwm, ma caawinayso in xiriirkii labada dhinac ee Muqdisho iyo Addis Ababa uu hagaago, sidoo kalena ma caawinayso inu fiicnaado xiriirka u dhaxeeya Muqdisho iyo Hargaysa ama Muqdisho iyo Garowe” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.


Wuxuu intaa ku daray Maxamed Mukhtaar inuu ku rajo weyn yahay in arrintu aysan meel xun gaari doonin.


"Waxaan rajaynayaa in wadahadallada ay Jabuuti waddo ay wax ka qaban doonaan inaysan arrintu sii darsan, sababtoo ah dalalka gobolka geeska Afrika waxaa haysta culayso xagga cimilada la xiriira sida roobabkii xoogga lahaa oo laga cabsi qabo inay mar kale soo laabtaan, abaaro dhaadheer iyo dhaqaale xumo, sidaa darteed haddii mushaakil kale oo siyaasadeed lagu sii daro waa nasiib darro” ayuu yiri.


Somaliland iyo Puntland labadaba kama aysan hadlin ilaa hadda amarka lagu xiray qunsuliyadaha Itoobiya ee ka yaalla xarumahooda. Sidoo kale, Itoobiya iyadana kama aysan hadlin talaabadaas diblomaasiyadeed.


BBC
Loading...
Loading...