"Waxaan Booqday Qabrigii Nabi Yuunus Calleyhi Salaam." Saliima Isack Adan

0
Friday April 05, 2024 - 14:34:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Booqday Qabrigii Nabi Yuunus Calleyhi Salaam." Saliima Isack Adan

    Qabriga wuxuu ku dhex-yaalaa dhismaha yer ee masaajidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabriga wuxuu ku dhex-yaalaa dhismaha yer ee masaajidka
May be an image of bed, indoors and bedroom


Nabiyullaahi Yuunus qabrigiisa wuxuu ku yaalaa dhul xeebeed nafta u roon, jawi macaan, aad u qurux badan kana tirsan magaalada Salalah.

Udgoonka miskiga ee qolka qabriga, neecaawda badda ku hareeraysan iyo xasiloonidii aan dareemay intii aan meeshan joogay waa waxaan marnaba qalbigayga ka go’i doonin.

Qabriga wuxuu ku dhex-yaalaa dhismaha yer ee masaajidka u eg oo ka muuqda sawirka hore. Waxaa ku daboolan maro cagaaran iyo labo sali oo xoogaa balaaran midabo kala duwana leh. Derbigana waxaa ku dhegan ayaado quraan ah; kitaabo dhowr xabo ahna waa yaalaan.

Banaanka dhismaha qabriga waxaa ku yaala badd aad iyo aad u wayn. Marbaan qalbiga waxaan iska iri ;
"Malaha baddan waa tii Nabi Yuunus ku dhacay, oo kaluunku ku liqay Ka gadaal markii uu ka caroodey in qoomkiisii loo diray ay rumeyn waayeen, ka dibna iskaga tagay isagoon illaahay fasax ka helin oo qowmkiisii u ciil iyo cara qaba” balse Alle ayaa garanaya oo ku cilmi leh.

Nabi Yuunus Alle wuxuu ku badbaadiyey xuskiisa iyo baryadiisa isagoo leh:

‏لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنْتُ مِنَ الظَّالِمِينَ

"Illaahayow adiga mooye Alle kale oo xaq lagu caabudo ma jiro; xumaan adigaa ka nasahan, anigana kuwa daalimiinta ah ayaan ka mid noqday”

Ducadan waa mid ka mid ah ducooyinka aan aadka ugu duceysto; oo aan marnaba afkeyga ka suulin salaadkasta bacdigeeda tan iyo markaan caqliyeystay.

Nabi Yuunus Haduusan Rabbi xusi lahayn oo uusan u tasbiixsan lahayn xiligaa uu mugdiga iyo jahwareerka uu ku sugnaa Alle quraanka wuxuu noogu sheegay in caloosha malayga uu kusii jiri lahaa ilaa qayaamaha!

فَلَوْلَا أَنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُسَبِّحِينَ لَلَبِثَ فِي بَطْنِهِ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ - سورة الصافات

Illaahay waxaan uga baryey qof waliba oo dareemaya Murugo, Cariiri iyo kurbo aduunyo inuu ka feydo uguna bedelo faraj kheyr leh siiyana farxad aduun iyo mid Aakhiro intaba.

Waxaan sugi la’ahay intaan Janada kula kulmaayo Nabi Yuunus isagoo ileh : "Salima! Nabad geliyo korkaaga

ha ahaato, Waxaan ahay Nabi Yuunus. Maxasuusataa maalin heblaayo oo aad ii timid/ isoo siyaaratay; waan kuu jeeday waana ku dhagaysanayey aad baana ugu farxay booqashadaada, Waxaana kula socotay (70,000) todobaatan kun oo malag oo aamiin kuu dhahayey ducadaada iyagoo ku kala tartamayey qorida ajirkaaga.

 Markale Kulanti farxad leh adoontii Allaay”????
May be an image of text

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...