Puntland Oo Sicadho Leh Uga Jawaabtay Go'aan Somaliya Ka Soo Yeedhay.

0
Friday April 05, 2024 - 10:38:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Sicadho Leh Uga Jawaabtay Go'aan Somaliya Ka Soo Yeedhay.

    "Puntland aysan waxba ka khuseynin go'aanada ka soo baxa dowlada dhexe."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Puntland aysan waxba ka khuseynin go'aanada ka soo baxa dowlada dhexe."


Garoowe (HWN) Maamulka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay go'aan ka soo baxay dowlada Somalia ee lagu eryey danjirihii Itoobiy u joogay Muqdisho, lagu amray iney xidho qunsuliyadaha ay ku leedahay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa ee  Puntland iyo Somaliland



Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa Safiirka Itoobiya u joogay Muqdisho ku war-gelisay inuu dalka uga baxo muddo 72 saac gudahood ah, halka safiirka Somaliya u fadhiya Addis Ababa la faray inuu dib ugu soo laabto dalka.


Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay iney dowlada federaalka aysan awood u laheyn iney xidho qunsuliyadaha Itoobiya ee ka furan Garowe iyo Hargeysa.


Dirir ayaa intaas ku daray in dastuurkii isku hayey Somalia uu meesha ka saaray Madaxweyne Xassan Shiikh, uuna qortay dastuurka uu isagu sameystay sidaas awgeed Puntland aysan waxba ka khuseynin go’aanada ka soo baxa dowlada dhexe.


"Itoobiya iyo Somaliya khilaaf kama dhexeeyo ee waxaa khilaafku ka dhexeeyo waa Xassan shiikh iyo Itoobiya anagu nama khuseeyo” ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.


Loading...
Loading...