Maxay Tahay Jawaabta Degdeg Ah Ee Somaliland Ka Bixisay Warka Ka Soo Yeedhay Somaliya?

0
Friday April 05, 2024 - 09:25:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Jawaabta Degdeg Ah Ee Somaliland Ka Bixisay Warka Ka Soo Yeedhay Somaliya?

    "Waa xikmad darro iyo dabuub ka baxsan diblomaasiyadda "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa xikmad darro iyo dabuub ka baxsan diblomaasiyadda "


Hargeysa(HWN)- Xukuumadda Jamhuuruyadda Somaliland, ayaa Tallaabo macno darro ah ku sifaysay hadalka ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya, oo sheegtay in 7 maalmood lagu xidho Qunsuliyada Itoobiya ku leedahay Somaliland.

Sidaasna waxa sheegay Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) ugu jawaabay Soomaaliya.



"Safaaradda Itoobiya ee Jamhuuriyadda Somaliland laguma furin ogolaanshaha Soomaaliya, mana aha mid lagu xidhayo diidmada Soomaaliya.

Waa xikmad darro iyo dabuub ka baxsan diblomaasiyadda inay ku tiraabaan in la xidho safaarad ka furan dal kale oo aanay xukumin. Waana guuldarro diblomaasiyadeed inay cabasho u gudbiyeen Safaarada Itoobiya ee Muqdisho inay xidho safaaradda Itoobiya ee Hargeysa.

Safaaradda Itoobiya ee Magaalada Hargeysa waxa ay shaqeynaysay  30kii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanay ku hawlan tahay kor u qaadista masaalixda ka dhexeeya labada  Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya iyo ammaanka mandaqada gobolka guud ahaan."

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili uu khilaaf xoogan ka dhex abuuray Itoobiya iyo Somaliya heshiis is-fahan oo ay wada gaadheen Itoobiya iyo Somaliland.

Loading...
Loading...