Somaliya Oo Cayrisay Safiirka Itoobiya, Islamarkaana Xidhay Qunsuliyado

0
Friday April 05, 2024 - 08:49:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Oo Cayrisay Safiirka Itoobiya, Islamarkaana Xidhay Qunsuliyado

    "ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya"


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay qunsuliyadaha ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, ayada oo Addis-Ababa ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.



Qaraar kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yiri "Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey islamarkaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.”


Dowladda ayaa sidoo kale amartay inay toddobaad gudihiis dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Itoobiya.


"Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”


Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkan "ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” lagana qaadi tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka, sida lagu yiri qoraalka.


Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu amray safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.


Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadal go'aanka dowladda Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa imanaya ayada oo shalay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed oo booqday Addis-Ababa.


Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa horey uga dhaxeeyey xiisad ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ee dhigayey in Somaliland ay Itoobiya ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato saldhig ciidamada badda ah iyo dekad, halka Itoobiya ay aqoonsaneyso Somaliland.

Loading...
Loading...