Madaxweyne Xasan oo tegay masjidkii Nebiga una soo duceeyey Soomaaliya.SAWIRO

0
Thursday April 04, 2024 - 12:20:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo tegay masjidkii Nebiga una soo duceeyey Soomaaliya.SAWIRO

    Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa xasuusan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa xasuusan...

May be an image of 3 people and dais
May be an image of 4 people, dais and text


May be an image of 1 person

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa maanta booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara.


 

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.


 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa shalay si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jiddah.


 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadlaya xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood ee Soomalaiya iyo Sacuudiga.


 

Arrimaha ajendaha ku jira ee wadahadalka madaxweynaha iyo Boqorka diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee labada dal ay wadaagaan.


 

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotadheer, waxaana hadda socda qorshe lagu sii xoojinayo xiriirkaas muhiimka ah ee labada dal.


 

Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa xasuusan garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa ee Soomaalidu ay soo martay.


 

Shirarka madaxda Sasuudiga uu la yeela doono kadib, Xasan Sheekh ayaa u gudbi doona cumrada, maadaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyey bishaan barakeysan ee Ramadaan.


 

Sacuudiga ayaa inta badan madaxda dalalka saboolka ah casuumaad u dira, si ay uga faa’iideystaan cumrada iyo xajka, maadaama dalkiisa ay ku yaallaan goobaha barakeysan ee loo dawaaf tago.

Loading...
Loading...